765 Views

Boqorka Urdun oo war ka soo saaray xarigii walaalkii oo uu ka shakiyay

Boqorka Urdun oo war ka soo saaray xarigii walaalkii oo uu ka shakiyay
____________________________________________________________________________

April: Hol 5/4/2021

Raiisel wasaare kuxigeenka Jordan ahna Wasiirka Arimaha Dibada, Ayman Safadi, ayaa ku xaqiijiyay shir jaraa’id oo uu  qabtay in Ciidamada Qalabka Sida iyo Waaxda Sirdoonka Guud ay daba galeen dhaq dhaqaaqyada ay wadeen Amiir Hamzah, Sharif Hassan bin Zaid iyo Basem Awad Allah oo uu sheegay in ay doonayeen in ay xasilooni daro ka abuuraan dalka Jordan.

Safadi waxaa uu intaas ku dartay in wakaaladaha ay khusayso ay kormeerayaan xiriirada u dhexeeya shaqsiyaadkan iyo dhinacyada dibeddeed taasi oo ku saabsan qorsho la doonayay in lagu carqaladeeyo xasilonida dalka.

Balse, Boqorad Noor, oo ah haweeneydii uu ka dhintay boqorka Jordan, Boqor Xuseen bin Talaal, ayaa ku tilmaamtay “mid been abuur ah”eedeymaha ay mas’uuliyiinta Urdun shalay u soo jeediyeen wiilkeeda, Amiirkii hore ee dhaxal-sugaha Hamzah, ee ahaa inuu qaaday ficillo iyo howlo loo adeegsaday in lagu wiiqo xasilloonida Boqortooyada, .

Dhanka kale ururka jaamacadda Carabta ayaa sheegay in ay si buuxda ” u taageersan yihiin ” tallaabooyiinka ay qaaday boqortooyada Urdun “si loo ilaaliyo amaanka iyo xasilonida boqortooyada.”

Sidoo kale Mareykanka ayaa xaqiijiyay in ay si buuxda u taageersan yihiin maamulka boqortooyada dalka Urudun.

Qoraal ay barta Facebook ay ku leeyihiin jaamacadda Carabta la soo dhigay islamarkana uu soo saaray xoghayha guud ee jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in ururka jaamacadda Carabta uu tagaeersan yahay mowqifka xukuumadda Urdun.

Bayaanka ayaa lagu yiri, “waan ku kalsoonahay xikmadda hogaanka Urudun inay sugaan xasiloonida dalka iyada oo la xushmeynayo dastuurka iyo sharciga.”

Bayaanka aya intaa ku daray in boqor Cabdlaha labaa uu meeqaam sare ka joogo dadka reer Urdun iyo guud ahaan jaamacadda Carabt.

“Qof walba wuu ogyahay daacadnimadiisa iyo doorka wayn ee uu ku leeyahay u adeegidda danada Carbeed.”

Ururka jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale waxay taageereen xarigga loo geystay shaqsiyaad ah ka ah dalka Urdun.

Masar ayaa sidoo kale muujisay taageerada ay u hayso Boqor Cabdallaha Labaad, afhayeen u hadlay madaxtooyada Masar ayaa yiri, “Qaahira waxay muujineysaa taageerada ay siiso boqorka Jordan iyo dadaalkiisa” si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida boqortooyada ee looga hortago isku day kasta oo lagu wiiqayo.

Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, Falah Mubaarak Al-Hajraf, wuxuu caddeeyey taageerada goluhu u hayo “dhammaan tallaabooyinka la qaaday si loo ilaaliyo nabadgelyada iyo xasilloonida Jordan.”

Dhanka Washington, Wasaaradda arrimaha dibedda ee Mareykanka waxay tiri, “Boqorka Urdun waa mid iskaashi muhiim ah la leh Mareykanka, wuxuu heystaa taageero buuxda.”

Wasiirka gaashaandhigga Israel Benny Gantz ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in “Jordan ay tahay dal daris ah oo istiraatiiji ah oo heshiis nabadeed la leh Israel, waxa ka dhacaya dhulkeeda waa arrin gudaha ah,” isagoo raaciyay in Israel “ay tahay inay sameyso wax walba si loo ilaaliyo isbahaysiga istiraatiijiga ah ee Jordan. “

Xarigga masuuliyiinta

Amiirkii mar ahaan jiray dhaxal sugaha taajka boqortooyada Urdun, ayaa Sabtidiid sheegay in xabsi guri lagu soo rogay taas oo qayb ka ah qabqabashada lagu hayo dadka xukuumadda dhaliila.

Muuqaal uu BBC-da u soo mariyey qareenkiisa ayaa Amiir Xamsa Bin Xuseen, oo ay walaalo kala bah ah yihiin Boqor Cabdallah, ku eedeeyey hogaanka dalka musuqmaasuq, karti darro iyo cagojuglayn.

Arintan ayaa soo baxaysa iyada oo tiro saraakiil sar sare ah loo xidhay sida la sheegay in ay af-gembi maleegayeen.

Milatariga dalkaas ayaa markii hore beeniyey in Amiir Xamsa xabsi guri ku jiro.

Laakiin wuxuu ciidanku sheegay in la faray inuu joojiyo falalka loo adeegsan karo in lagu beegsado “nabad gelyada iyo xasiloonida” dalka.

Talaabadan ayaa sida muuqata la qaaday ka dib booqasho uu amiirku ugu tagay hogaamiyeyaal beeleed oo la sheegay inuu taageero ka soo kasbaday.

Amiir Xamsa wuu beeniyey inuu wax khalad ah falay waxaanu sheegay in aanu wax shaqo ah ku lahayn khiyaamada la maleegay.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post