1410 Views

Maxay yihiin qodobada “Raqiista ah” ee Kenya ku diidantahay ka qayb galka dacwada badda Soomaaliya?

Maxay yihiin qodobada “Raqiista ah” ee Kenya ku diidantahay ka qayb galka dacwada badda Soomaaliya?
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 14da Maarso, 2021-Dowladda Kenya ayaa ku wargelisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda in aysan ka qeyb geli doonin dacwadda badda Soomaaliya ee Kenya Muranka galisay.

Dowladda  Kenya ayaa u cuskatay ka bixida maxkamada waxa ay ugu yeertay cadaallad daro ah in ICJ ka  diiday in kiiska dib loo dhigto – markii afaraad – iyadoo faafida  Caronavirus ay tahay sababta ugu weyn ee looga baxayo dacwada sharciga.

Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, Paul Kihara Kariuki, ayaa ku wargaliyay maxkamada ICJ go’aanka ka bixida warqad uu qoray March 11 taas oo uu u qoray Phillippe Gautier, diiwaan hayaha maxkamada.

“Kenya waxa ay jeceshahay in ay ku wargaliso maxkamada, iyada oo u sii marineysa Diiwaanhayaha, in aysan ka qeyb galeynin dhageysiga kiiska halkaan ku xusan, hadii ay u socoto si isku mid ah laga bilaabo Maarso 15, 2021, sida hada loo qorsheeyay,” warqada ka soo baxday xeer ilaaliyaha guud ee Kenya.

In kasta oo ay Kenya ka laabatay, haddana Maxkamadda ICJ waxa ay sii wadi kartaa dacwadda oo waxay samayn kartaa xukun iyada oo adeegsanaysa doodihii ay Kenya horay u gudbisay.

Kenya, oo ku tilmaamtay talaabadan mid “aan horay loo arag taariikhdeeda marka loo eego qaab kasta oo xukun caalami ah,” waxay u sheegtay maxkamada in kooxdii ugu dambeysay ee sharciyaqaano ah aysan helin waqti ku filan oo ay isugu diyaariyaan kiiska.

Warbaahinta kala duwan ee Kenya ayaa tabisay in qareeno heer caalami ah oo heer sare ah la keenay si ay u hogaamiyaan dacwada badda dabayaaqadii bishii Febraayo 2021, todobaadyo uun kadib markii maxkamada ay diiday codsigii Kenya ee ahaa in kiiska xadeynta badda ee Soomaaliya dib loo dhigo markii afaraad. Kenya waxa ay intaas ku dartay in masiibada adduunka ka dhacday ay ka xayuubisay ilihii dhaqaalaha ee ay ku bixin lahayd dacwada.

“Cawaaqibka tan ayaa ah in Kenya iyo kooxdeeda sharciga loo diiday fursad ay ku yeeshaan kulammo diyaargarow iyo lama huraan ah,” ayuu yiri Mr. Kariuki.

Diidmada dib u dhigista dacwadaha waxaa sii dheer, warqado Kenya u diray ICJ oo lagu xusay sababo kale oo ay ku sheegayso in ay kaga baxday maxkamadda caalamiga ah si ay u xalaalaysato biyaha Soomaaliya.

“Maaddaama kiiska uusan aheyn mid deg deg ah sabab kasta ha noqotee, Kenya ugu yaraan waxay fileysay in maxkamaddu ay tan ka dhigeyso sababihii ugu horreeyay ee lagu dhageysto xaqeeda iyada oo la adeegsanayo xiriirka fiidiyowga, in kasta oo dhinac ka mid ah uu si joogto ah u diiddan yahay” ayay Kenya sheegtay.

Kenya waxa ay ku doodaysaa waxa ay ku sheegtay in ay cadaalad daro ka tirsanayso maxkamada caalamiga ah ee ICJ iyo in uu garsoorayaasha xubin ka yahay madaxweynihii hore ee ICJ Cabdiqawi Axmed Yuusuf oo ah muwaadin Soomaaliya.

Maxay yihii qodobada Kenya ku doodayso in maxkamadda dib loogu dhigo

  1. Kenya waxa ay ku doodaysaa in ay maxkamadda cadaallada aysan labada dhinac u sinay.
  2. In ICJ diiday dalabkii Kenya ee dib loogu dhigi lahaa kiis dhagaysiga
  3. Faafitaanka Coranavirus.
  4. Dhaqaalle la’aan ka dhalatay xanuunka.
  5. In cabsida laga qabo xanuunka Kenya aysan u suurta galayn ololeheeda kiisa ka dhan ah.
  6. In Cabdiqawi oo muwaadin Soomaaliyeed ah uu ku jiro garsoorayaasha Maxkamadda.

Soomaaliya ayaa ka bilawday dacwad ka dhan ah Kenya maxkamadda caalamiga ah ee fadhigeedu yahay Hague bishii Ogosto 2014 ka dib markii wadahadallo ay la yeelatay Kenya lagu guuldareystay in la xalliyo khilaafka. Kiiskan ayaa sii huriyay burburka dublamaasiyadeed ee soo kala dhex galay labada waddan ee Bariga Afrika .

Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa u dirtay heeg wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed usbuucii la soo dhaafay. Guuleed wuxuu muujiyay kalsooni ah in Soomaaliya ku guulaysanayso xaqeeda dacwadda bada Soomaaliya.

“Waajibaadkeenu waa inaan midowno oo aan difaacno dhulkeena iyo hantideena maguurtada ah, taas oo ah masuuliyad taariikhi ah iyo dhaxalka ugu qaalisan ee aan uga tagi doonno jiilalka soo socda ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka ka hor inta uusan ka ambabixin Muqdisho.

ICJ waxaa loo xilsaaray in ay go’aansato cida iska leh 62,000 oo mayl laba jibaaran oo saddex geesle ah oo Badweynta Hindiya ah, taas oo la rumeysan yahay in ay hodan ku tahay hydrocarbons. Labada dhinac midkoodna rafcaan kama qaadan karo go’aanka. Maxkamaddu waxay markaas ku tiirsanaan doontaa Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, oo ay Kenya xubin aan joogto ka ahayn ku leedahay, si ay u fuliso xukunka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post