807 Views

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo oo Hambalyeyay heshiiskii mucaaradka iyo ra’iisul wasaaraha

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo oo Hambalyeyay  heshiiskii  mucaaradka iyo ra’iisul wasaaraha
____________________________________________________________________________

February  26, /2/ 2021\

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey heshiiskii ay xalay kala saxiixdeen madaxda mucaaradka iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey heshiiska wadajirka ah iyo guud ahaan maareynta arrimaha doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay in la dhaqan geliyo Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee ay wada gaareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Madaxda Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeella iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, doorka wax ku-oolka ah ee ay ku bixiyeen ka miro-dhalinta waanwaantan, sida lagu yiri qoraalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan xasilloonida amni iyo siyaasadeed ee dalka, iyada oo dhabbaha loo xaarayo dhaqan-gelinta Heshiiska doorashooyinka iyo talo soojeedintii Guddiga Farsamada Doorashada Federaal ee ka soo baxday Shirkii Baydhabo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Shir gelinkii dambe ee shalay ka furmay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu kala saxiixday lix qodob oo heshiis looga gaaray rabshadihii Muqdisho ka dhacay 19-kii bishan iyo banaanbaxyadii ay dowladdu diiday, mucaaradkuna doonayeen inay qabtaan maanta.

Shirkaas waxuu u dhaxeeyay Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle  iyo duqa Muqdisho oo dhinac ah iyo golaha midowga musharraxiinta Soomaaliya, waxaana guddi ka kooban lix xubnood oo kala metelaya labada dhinac loo saaray baaritaanka wixii dhacay Jimcihii hore.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post