Muqdisho | QOL | December 30, 2020 –MKalfadhiga 1aad Kulankiisa 12 ee Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo uu Shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed ayaa kaqabsoomay Caasimada Hirshabelle ee jowhar
Ajendaha Kulankaan ayaa ahaa Ansixinta Miisaaniyada Sanadka 2021 ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle
Ugu horeyn Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada Xildhibaan Yusuf Macalin Xassan Jeele ayaa Xildhibaanada kahor akhriyey Miisaaniyada dowlad Goboleedka Hirshabelle ee Sanadka 2021
Sidoo Kale Xoghaya Guud ee Golaha Cabdiwaxiid Maxamed Xussein (Wadaariyaad) ayaa Golaha u akhriyey Warqada soo Gudbinta Miisaaniyada.
Ugu dambeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Dr. Cabdixakim Luqmaan ayaa Xildhibaanada ka codsaday inay go,aan kagaaran Miisaaniyada Maadaama Sanadka 2020 uu gabo gabo yahay loona baahan yahay in Miisaaniyada Sanadka 2021 go.aan laga gaaro si uusan hakad ugu imaan Howlaha ay Hay’adaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle u hayaan Shacabka Dowlad Goboledka Hirshabeelle
Baarlamanka Hirshabelle ayaa Cod gacan taag ku ansixiyey Miisaaniyada 2021 waxaana natiijada codeynta ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed, waxaana ogolaaday 71 mudane waxaa diiday laba mudane halka hal Xildhibaan uu ka aamusay.
Muqdisho | QOL | December 30, 2020 –MXafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________