Muqdisho, 04 February, 2016: Waxan la ogyahay Qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhismaha aqalka sare ee Baarlamaanka in lagu saleeyay maamul goboleedyada dalka ka jira iyo min 3 xubnood oo loo kordhiyay maamulada Somaliland iyo Puntland, Waxaase faahfaahin faahfaahin dheeraad ah ka soo baxday qaabka beelaha waaweyn u kala heleen xubnaha aqalka sare ka mid noqonaya marki la gaaro 2016
Xubnaha Madasha qaarkood ayaa xogtan bixiyay iyadoo la qoray xubnaha beel kasta kasoo gaaraya Aqalka sare marka lagu saleeyo heshiiska ay dowladda Federaalka iyo Beesha caalamka wada gaareen.
Haddaba xubnaha Beesha Hawiye ka heleyso Aqalka sare ee Baarlamaanka 2016 ayaa noqonaya sida soo socota
Maamulada Xubnaha
Galmudug 7
Jubbaland 1
Shabeelle/Hiiraan 8
Wadarta 16
Guud ahaa tirada Aqalka sare waa 54 xubnood, waxaana loo qeybiyay sida soo socota:
Maamulada Tirada xubnaha
Somaliland 11
Puntland 11
Galmudug 8
Shabeele/Hiiraan 8
Banaadir 0
K/Galbeed 8
Jubbaland 8
Wadarta 54
—————————————–
Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________