1113 Views

Wada-hadallo u bilaawday Turkiga iyo Masar

Wada-hadallo u bilaawday Turkiga iyo Masar
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 19|  2020
—Wargeysyo Carbeed ayaa qoray “ifafaale” muujinaya in uu jiro xiriir dhex maraya Turkiga iyo Masar, iyo sidoo kale qoreyaal tilaamay suurtogalminada ah in la gaadhi doono is faham ay dhex mara labada dal mustaqabalka.

Ibraahim Kalin oo ah af-hayeenka madaxtooyada Turkiga ayaa waraysi uu siiyey Telefishan Turkiga laga leeyahay u sheegay in “Masar ka mid tahay dawladaha waaweyn ee Carabta, gobolka iyo dunida ba” waxaanu intaa ku daray “in Turkigu diyaar u yahay inuu ka falceliyo hadii ay Masar muujiso in ay u heelan tahay u hawl galka ajendayaasha togan ee gobolka.”

Wargeyska Ra’y Al-Yoom ee London ka soo baxa ayaa qoray “wararka maalmahan isa soo taraya ee tibaaxaya in Turkigu beer-laxawsanayo Masar iyadoo ay waliba jiraan warar kale oo sheegaya in ay suurto galeen kulamo dhex maray waftiyo ka socda sirdoonka labada dal oo ku heshiiyey in la hakiyo dacaayadaha warbaahinta la isu marinayo, waxay arimahaasi noqon karaan tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka kalsooni abuurka iyo sidoo kale in ay gogol xaadh u ahaayeen kulamo diblomaasiyadeed iyo kuwo siyaasadeed oo heer sare ah.”

Wargeyska Al-Quds Al-Carabi ee London ka soo baxa ayaa isna waxa uu leeyahay “maalin ba maalinta ka dambaysa ayaa waxa soo kordhaya ifafaalaha tilmaamaya in uu jiro xidhiidh dhex maraya Masar iyo Turkiga in kasta oo uu heer hoose taagan yahay oo la rumaysan yahay in aanu weli dhaafsiisnayn sirdoonka labada dal iyo diblomaasiyiin hoose. Laakiin waxay arintaasi tilmaamaysaa in ay suurto gal tahay inuu dhaco isu soo dhawaansho siyaasadeed mustaqbalka oo is faham laga gaadho arimaha qaarkood sida xiisadda Liibiya iyo calaamadaynta xadka badda ee labada dal ka leeyihiin dhanka bariga badda Mediterranean-ka.”

BBC SOMALI


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post