942 Views

Thailand oo Qofkii Qashin uga taga Beerta dalxiiska Farriin loo diro!

Thailand oo Qofkii Qashin uga taga Beerta dalxiiska Farriin loo diro!
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 18 2020
—Beerta Dalxiiska Qaranka ee Thailand waa  ka duwan tahay meelaha kale ee ay dalxiisayaashu tagaan, qofkii uga dhex taga Beerta Haraadiga Macmacaanka iyo cabbitaannada waxaa loo dhigaa Boosto

Beertaan oo lagu magacaabo Khao Yai waxa ay ku taallaa meel u dhaw Magaalada Bangkok, maamulka Gacanta ku haya ayaa go’aankaan gaaray kadib markii qashinka meesha laga qaado uu batay.

Sanaadiiq loogu talagalay in qashinka lagu rido ayaa la dhigay Beerta, balse dadka ayaa ka caga-jiidaya go’aankaas waxa ay meelaha ay fadhiistaan uga tagaan Bacaha Macmaanka sida Shukulaatada, Buskutka iyo Caagadaha Cabbitaannada.

Wasiirka deegaanka Varawut Silpa-archa ayaa soo bandhigay sawirrada khashin lasoo uruuriyay oo u diyaarsan in loo diro dadkii ku tuuray beerta, waliba loo dhigayo Boostada si ay u qaadaan oo ay ugu ridaan meelaha loogu talagalay.

Waxa uu sheegay Wasiirka in tallaabadaan ay dhiiragelineyso dadka ka shaqeeya adeegga nadaafadda, isla markaana qofkii mar ka taga qashinka uusan markale sidaas u sameyn, haddii kale uu ka filayo booskada.

Qoraalka Qashinka lagu dul qorayo marka la dhigayo Boostada waa “Waa waxyaabihii aad ku hilmaamtay Beerta Khao Yai National Park markii aad soo booqatay”.

Maamulka Beerta ayaa dacwadda dhalisay go’aankaan u gudbiyay Wasaaradda Deegaanka Thailand, kadib markii Xayawaanaadka ku xareysan xarunta caafimaad ahaan qashinka la sheegay in aysan u wanaagsaneen.

khao Yai oo waqooyi bari Magaalada Bangkok caasimadda Thailand, dhulkaan waxa ay ku fadhisaa 2,000 km oo isku wareeg ah (770 sq miles), sanadkii 2018-kii, waxaa la diiwaangeliyay in ay booqdeen 1.5 Milyan oo ruux.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post