813 Views

Ra’iisul Wasaaraha UK oo aqbalay baaritaan laga dalbaday

Ra’iisul Wasaaraha UK oo aqbalay baaritaan laga dalbaday
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 16  2020–Ra’iisalwasaaraha Britain Boris Johnson ayaa markii ugu horreysay sheegay in ay ka go’an tahay in baaritaan madaxbannaan lagu sameeyo masiibada fayraska corona oo dalkani ay kaga dhinteen in ka badan 44 kun oo qof.

Hadalkan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka sheegay kulan ka dhacay aqalka Baarlamanka oo su’aalo lagu waydiinayey, waxaana uu sheegay in dhab ahaan ay jiri doonto baaritaan arintan ku aadan mustaqbalka, inkasoo horey geeska uu u galiyey baaqyo kala duwan oo ku aadan in baaritaan lagu sameeyo aafada cudurka ee dalka UK.

In ka badan 150 kun oo qof ayaa saxiixay dalab dhanka Online-ka oo ay soo qabanqaabiyeen ehelada dadkii UK ugu geeriyoodey Cudurka Covid19, kuwaasi oo dalbanayey in baaritaan kuwaasi oo dalbanayey in si deg deg ah baaritaan loogu sameeyo habka dawladu ay u maareeysay cudurka, ka hor safmar kale oo dalka ka dilaaca.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aysan aheyn xilligan waqti saacaddo muhiim ah lagu bixiyo baaritaan, balse uu ku adkeysanayo in mustaqbalka la sameeyo baaritaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post