Mogadisho | QOL | April 25 2020–Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ku dhawaaqday bixinta gargaarka degdegga ah $ 309 Milyan Mozambique si looga caawiyo la dagaallanka cudurka faafa ee coronavirus.
War kasoo baxay ayaa lagu sheegay inuu saameyn weyn ku yeelan doono dhaqaalaha dalka Mozambique.
IMF ayaa sheegtay in dalkaasi uu horay ula daaladhacayay Musiibo ka dhalatay labo duufaan oo ku dhufatay Sanadkii 2019-ka.
IMF ayaa sheegtay in lacagtaan lagu taageeri doono Adeegyadda Caafimaadka.
Dalka Mozambique ayaa laga xaqiijiyay 65 Kiis oo Corona Virus ah ,ilaa iyo hadda ma jirto wax dhimasho ah, waxaana Cudurka ka bogsaday 12 ruux sidda ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________