1131 Views

Soomaaliya iyo Baxreyn oo oo yeelanaya iskaashi Ganacsi

Soomaaliya iyo Baxreyn oo oo yeelanaya iskaashi Ganacsi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | isniin , Feberaayo 24, 2020 —Wafdi uu hoggaaminaayey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Inj. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa gaaray dalka Baxreyn,waxaana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyey oo ay kulan wada-qaateen dhiggiisa dalkaasi Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Mudane Zayed R. Al Zayani.

 

Labada Wasiir,waxay ka wada-hadleen siddii loo abuuri lahaa Ganacsi toos ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Baxreyn isla mar ahaantaana la isku furo suuqyada Ganacsi ee labada dal oo la helo khad Maraakiibeed iyo mid Duulimaadyo toosa ah.

 

Waxa kale oo ay carabka ku dhufteen siddii Xoolaha, Kalluunka iyo Dallaga Beeraha Soomaaliya loo keeni lahaa suuqyada Baxreyn.

 

Wasiiradu, waxa kale oo ay isla-garteen in la helo is-afgarad u dhaxeeya labada Wasaaraddood oo la xiriira Ganacsiga, Warshadaha iyo Iskaashiga Dhaqaalaha, isla markaana la sameeyo guddi farsamo oo labada dhinac ah kana shaqeeya siddii loo abuuri lahaa xidhiidh Ganacsi  iyo weli ba in la abuuro madal ay ku kulmaan Ganacsatada Soomaaliya iyo dhiggooda Baxreyn, sidoo kale na la isku xidho Bangiyada Soomaaliya iyo kuwa Baxreyn si ay u fududaato hannaanka bixinta lacagaha badeecadahu maadaama ay Baxreyn tahay goobta kulmisa Baananka Bariga Dhexe.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment