Mogadisho –January 03, 2020—-Xildhibaano ka tirsan Baarlamanaka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas ku eedeeyeen in uu gadaal ka riixayo mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.
Wasiirka dib u heshiisiinta Hir-Shabeelle kana mid ah Xildhibaanada Maamulkaas ayaa sheegay in mooshin kaas uu qeyb weyn ku leeyahay guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed.
Waxaa uu sheegay in mooshinkaas ay sidoo kale qeyb ku leeyihiin Wasiiro ka tirsan Hir-Shabeelle iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda federaalka,isla markaana aan waxba ka jirin,isaga oo baaq u direy Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaannada Hir-Shabeelle.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________