Muqdisho | QOL | November 07, 2019–-Xildhibaan Cabdi Qani Faarax Dhaashane oo kamid ah Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in Xildhibaannada ay diyaar u yihiin inay Puntland si walba ku difaacaan,kadib markii Maanta Xildhibaanada ay xilkii ka qaadeen Gudoomiyihii Baarlamaanka Maamulkaas.
Waxaa uu sheegay Xildhibaanada iany ogyihiin waxa ka socda Dhuusamareeb ee dowladda ay ku heyso Ahlusunna Wal-Jamaaca iyo Maaluada kale,sidaasi daraadeedna ay diyaar u yihiin Puntland ay ku difaacaan hab siyaasi ah iyo hab ciidan intaba.
” Puntland Hab Siyaasi ah iyo mid Ciidanba waan ku difaacayna waxaan nahay xildhibaano dhiifoon oo u diyaar ah Shaqadooda,waxaana la soconaa waxa laga soo abaabulayo Magaalada muqdisho ayuu yiri”Xildhibaan dhaashane.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________