900 Views

Dacwad laga gudbiyey Xildhibaankii Su’aasha weeydiiyey DenI

Dacwad laga gudbiyey Xildhibaankii Su’aasha weeydiiyey DenI
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Oktoobar 30, 2019 —WaXafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Maamulka  Puntland ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa  Baarlamaanka Puntland uu u diray warqad dacwo ah oo uu kaga codsanayo in xasaanada laga qaado Xildhibaan Cawil Xasan Daad,kaas oo dhawaan su’aal adag weeydiiyey Madaxweynaha Puntland.

Xeer ilaalinta Puntland ayaa Xubnaha Golaha Wakiilada Maamulkaas waxaa ay ka dalbatay inay u ogolaadaan in Xildhibaanka lagu soo oogo dacwad.

Xildhibaan Cawil Xasan Daad ayaa 26-kii Bishaan oo ah Maalintii uu furmay Kal-fadhiga 45aad ee Golaha Wakiilada Puntland waxa uu Madaxweyne Deni weeydiiyey su’aal aheyd in amnidarro weyn ay ka jirto Magaalooyin kamid ah Maamulka Puntland lagana qanuudo Masaajidyada.

Warqada loo diray Guddoonka Baarlamaanka Puntland oo uu ku saxiixan yahay Xeer Ilaaliye kuxigeenka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Xildhibaanka uu ku xadgudubay sharuucda dalka u yaala, isla markaana uu ka dhawaajiyey  hadalo ay tahay in dacwad xoog leh lagu soo oogo.

Hoos Ka Akhriso Warqada Xeer ilaalinta u gudbisay Baarlamaanka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment