Muqdisho | QOL | Oktoobar 30, 2019 —WaMaxkamadda darajada koowaad ee Ciidanka qalabka sida ayaa saaka xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal loo haysto qarax ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Cali Axmed Guure (Qoyane) oo maqane ah laguna Eedeeyey in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab iyo Nuur Ibraahim Mahad Alle ayaa lagu wada xukumay dil toogasha ah halka Cabdirxmaan Sheekh Cilmi Cawaale gudoomiyihii hore ee degmada Maxaaas lagu xukumay xabsi daa’in.
Dhammaantood waxaa loo heystaa Qarax uu ku dhintay Guddoomiye ku xigeenkii degmada Maxaaas Rashiid Cusmaan Cabdi kaas oo dhacay 19/04/2019.
Faah faahinta Warkaan kala socda radiorisaala.com
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________