Muqdisho | QOL | October16–2019 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa manta oo Arbaco ah waxaa uu dalacsiiyey gaashaanle Sadiiq Maxamuud Dhogor oo kamid ah saraakiisha Ciidamada Jubbaland.
Munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyadda Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa darajada Gaashaanle dhexe loo dalacsiiyey Sadiiq Maxamuud Dhogor oo ah Taliyaha Amniga Garoonka Diyaaradaha Kismaayo.
Madaxweynen Axmed Madoobe ayaa sheegay in dadaalkiisa iyo kartida uu shaqada u leeyahay ay sababtay dalacsiinta,isla markaana uu ku boorinayo in shaqada uu sii dardar galiyo.
Taliyaha Amniga Garoonka Kismaayo ee Maanta la dalacsiiyey ayaa intii ay socdeen howlaha doorashooyinka waxaa uu siwyen u adkeeyey Amniga Garoonka,isaga oo sidoo kale hubinaya mas’uuliyiin kazoo dageysa maadaama qaarkood laga mamnuucay inay tagaan Magaalada Kismaayo sida wufuuda dowoladda federaalka.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________