Muqdisho | QOL | August 26, 2019 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka dibaddiisa, gaar agaan dalka Itoobiya oo uu ku hormarayo.
Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe waxaa kusii sagootiyey Madaxweynaha iyo wafdigiisa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Xukuumadda, Saraakiil Ciidan, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo waftigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Itoobiya waxa ay kula muhiim ah la qaadan doonaa masuuliyiinta dalkaasi,isaga oo intaasi kadib dalal kale sii aadi doona.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________