Muqdisho | QOL July 20, 2019 —Waxgaradka degaanada maamulka Jubbaland oo kulan ku yeeshay Magaalada Kismaayo ayaa si weyn uga soo horjeestay faragalin ay sheegeen in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku heyso doorashadda Jubbaland.
Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in dowladda dhexe ay caqabad ku noqoto horumarka iyo Nabadgaliyadda ka jira degaanada maamulka Jubbaland
Odayaasha ayaa ka mid ahaa saxiixayaashii soo dhisay dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana ay xuseen in aysan aqbali doonin faragalinta ay dowladdu ku hayso doorashada dowlad goboleedka Jubbaland.
Ugu dambeyntii Odayaasha waxa ay Caddeeyeen in ay taageersanyihiin sida ay guddiga madaxa bannaan ee xudduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland wax u wadaan.
Hadalka Odayaasha ayaa kusoo beegmaya xilli Musharaxiinta qaarkood ay eedeyn u jeediyeen Guddiga doorashooyinka Jubbaland islamarkaana ay ku eedeeyeen in ay Afduubteen doorashadda maamulka Jubbaland
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________