1269 Views

SAWIRO:-Madaxweynaha K/ Galbeed oo gaaray Magalada Marka

SAWIRO:-Madaxweynaha K/ Galbeed oo gaaray Magalada Marka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 10, 2019 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed & wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow waxaa ay gaareen Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Wafdiga oo diyaarad uu UN-ka leeyahay kasoo qaaday degmada Xudur ayaa kusoo degay Garoonka Diyaaradaha Ceel-jaale ee duleedka Marka,waxaana soo dhaweyntiisa ka qeyb galay Guddoomiyaha G/Shabeellaha Hoose,guddoomiyaha degmada Marka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Intaasi kadib Wafdiga ayaa safar dhinaca dhulka ah waxaa ay ku galeen Magalada Marka oo ay ku sugan yihiin Boqolaal dadweyne ah oo Maanta sugayay.

 

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin,xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka iyo Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in Boqolaal ka mid ah Shacabka Magalada Marka ay kula hadlaan fagaaro ku yaalla Xarunta Maamulka degmada Marka.

 

Amniga degmada Marka iyo wadooyinka soo gala ayaa Maanta aad loo adkeeyay,waxaana lagu arkayay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda & AMISOM oo amniga xaqiijinaya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment