1269 Views

SAWIRO:-Safiirka Somalia ee Suudaan oo la kulmay Madaxa Golaha Millateriga dalkaas

SAWIRO:-Safiirka Somalia ee Suudaan oo la kulmay Madaxa Golaha Millateriga dalkaas
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 03, 2019—Madaxa Golaha Ciidamada ku meel-gaarka ah ee   dalka Suudaan ayaa shalay oo Talaado ah  xafiiskiisa kula kulmay safiirka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya  oo muddo xileedkiisa dhamaaday.

 

Warsaxaafadeed  uu soo saaray Safiirka Soomaaliya ee Suudaan C/risaaq Axmed .Sh. Max’uud ayuu ku xusay qoto dheerida  xiriirka Soomaaliya iyo Suudaan, wuxuuna intaasiraaciyay inuu kaga mahadcelinayo Madaxa Golaha Ciidamada, xukuumadda iyo shacbiga Suudaan, garab istaaggii iyo taageeradii  walaalahooda dhabta ah ee Soomaaliya, sidoo kalana ay Soomaaliya taageero hiil iyo hooba la garab taagan tahay walaalahooda Suudaan, wuxuuna Danjire C/risaaq Axmed .Sh. Max’uud xiriirka labada dal ku tilmaamay mid soo jireen ah.

 

Dhanka kale Safiirka Soomaaliya ayaa shacbiga Walaalaha ee Suudaan u rajeeyay midnimo ,wadajir iyo Xasillooni, Wuxuuna yiri “ qofka caaqilka ah waa kan ku tusaale qaata duruufaha dadka hareerihiisa la kulmaan” waxaana loo baahan yahay ayuu yiri in wax laga barto xaaladaha adag ee soo maray qaar ka mid ah dalalka deriska la ah Suudaan.

 

Danjire C/risaaq Axmed .Sh. Max’uud ayaa ugu danbayntii warsaxaafadeedkiisa ugu mahadceliyay xukuumadda iyo shacbiga Suudaan gacansiintii wanaagsanayd uu ka helay muddo xileedkiisii danjirannimo, Shacbiga Suudaanna wuxuu u rajeeyay degenaansho iyo barwaaqo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment