Muqdisho | QOL | Juun 24, 2019 –Qoraal uu soo saaray Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf ayuu ku shaaciyay in uu buray heshiiskii horay u dhexmaray Maamulkii gobolada Dhexe ee Ahlusunna iyo Maamulka Galmudug iyo in uu ogolaaday inay doorashada Galmudug ay waqtigeeda ku dhacdo, isaga oo sheegay in lagu qabanayo Magalada Cadaado.
Qoraalka Madaxweyne Xaaf ayaa u muuqda mid dib ugu celinaya Maamulka Galmudug ka sidii uu ahaa ka hor heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna,isla markaana uu fariisin ka sameysanayo Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiskiisa waxa uu ku sheegay in uu dhamaaday khilaafkii iyo mad madowgii ka dhex jiray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug.
Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka ooo uu qodobo kale oo dhowr ah uu uga hadlay Madaxweyne Xaaf.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________