Muqdisho | QOL | June 12,, 2019 –Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dawladda Federaalka Soomaaliya oo maalmahan ku sugnaa magaalada Minneapolis Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka Mudane Amb. Ahmed Ciise Cawad ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed,qaybaheeda kala duwan & Madaxda Gobolka Minnesota,wuxuuna wasiirku uga war-bixiyey xaaladda dalka & guulaha laga gaaray arrimaha Siyaasadda,Ganacsiga & xariirka caalamiga ah.
Kullankaan oo ay iskaashadeen hay’adda Global Minnesota oo ah Hay’ad ay kullansadeen ganacsatada Gobolka & Jaamacadda Augosburg ayaa waxaa wasiirka Su’aalo laga waydiiyey Xaaladda dalka,isagoo jawaabo waafi ah ka siiyey dadkii goobta ku sugnaa.
Xaamud Maasheeye Wasiiru dowlahihi hore ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladdii uu gar wadeenka ka ahaa Madaxweyne Sheikh Shariif ayaan wax ka waydiiyey kullanka.
Khadiijo Cali oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota kana tirsan hay’adda Global Minnesota ayaa war-baahinta qaranka uga war bixisay sababta ku dhalisay shirkaan uu martida ku ahaa Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Federaalka Somalia.
Ugu danbayntii wasiirka ayaa Xusay doorka ay jaaliyadda Soomaaliyeed ku leedahay dib-u-dhiska Somalia,kulana dar-daarmay in ay tallo,Toosin & tabarucaadba uga qayb-qaataan kalin mug & miisn ba leh.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________