4983 Views

Sarkaal ka tirsan Nabadsugida oo lagu qarxiyay Gaarigiisa

Sarkaal ka tirsan Nabadsugida oo lagu qarxiyay Gaarigiisa
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 10 December 2015: Sarkaal lagu magacaabayay Kornel Maxamed C/llaahi Gardhuub kana tirsan nabadsugida Soomaaliya ayaa ku geeriyooday qarax miino oo gaarigiisa lagu xiro, iyadoo qaraxa uu dhacay xilli uu marayay wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan agagaarka Saldhiga Booliska degmada Waabari amba Isgoyska Dabka.

Goob joogayaal ku sugnaa goobta ayaa sheegay in mar qura ay maqleen qarax xoogan, markii dambe ay arkeen gaari kuwa raaxada oo gubanayay.

Sarkaalka, Maxamed C/llaahi Gardhuub,ayaa asagu gaarigiisa watay marka uu qaraxa dhacayay cid la sareeydna lama sheegin. Dawici ka soo gaaray qaraxa ayuu sarkaalka markii dambe u geeriyooday ka dib marki Isbitaalka lala gaaray.

Taliyaha Saldhiga Degmada Waabari ayaa sheegay in Qaraxu uu ahaa Miino lagu soo xiray Gaariga Sargaalka dhintay, isla markaana uu ku qarxay xilli uu marayay meel aan sidaa uga fogeyn Saldhiga Degmada Waabari.

Qaraxyadan noocaan ah ee lagu xiro gawaarida gaarka loo leeyahay ayaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho, iyadoo todobaadkii hore Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo ka tirsaneyd Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka ay ku geeriyootay qarax loogu xiray baabuurkeeda.

Ila hada ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Hey’addaha ammaanka ee dowladda oo ku aadan qaraxan, waxaana horay u jiray digniino hey’adaha ammaanka ka soo saareen oo ahaa inay ka war qabaan ama la hubiyo gaadiidka la dhigto wadooyinka ee ay leeyihiin saraakiisha iyo mas’uuliyiinta dowladda.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment