1725 Views

Sawirro:-Madaxweynaha Suudaan Oo Magacaabay Wasiir Cusub

Sawirro:-Madaxweynaha Suudaan Oo Magacaabay Wasiir Cusub
____________________________________________________________________________

Mogdishu | QOL | Febaraayo 25, 2019 –Madaxweynaha dalka Suudaan, Omar Xasan Al-bashiir waxa uu Xilka Wasiirka Maaliyadda cusub ee dalkaasi u magacaabay Mustafa Yuusuf, kaasi oo beddeli doona Mucataz Muusa, oo isaga 2-maalin gudaheeda ku waayey xilalka Ra’isul-wasaraha iyo Wasiirka Maaliyadda.

Hadal ka soo baxay Madaxtooyadda dalkaasi ayaa lagu sheegay Magacaabistaasi.

Sabtidii la soo dhafaay ayey ahayd, markii uu Madaxweyne Al-bashiir uu magacaabay Madaxweyne-ku-xigeen iyo Ra’isul-wasare cusub si ay u maareeyaan Mashaqada Dibadbaxyadda la siyaasadeedyey ee gilgilay Deganaanshihii dalkaasi.

Cawad Maxamed Axmed Ibnu Coof  oo ah Wasiirka Difaaca ee Suudaan waxa uu loo magacaabay Madaxweyne-ku-xigeenka 1-aad ee dalkaasi, iyadoo xilka  Ra’isul-wasaaraha cusub ee dalkaasi loo magacaabay Guddoomiyihii Gobalka Jazeiira, Maxamed Daahir Ayaala, oo isagoo u muuqda Ninka xilka kala wareegi doona Madaxweyne Al-bashiir

Madaxweyne Al-bashiir oo 75 jir ah waxa soo wahajayo Dibadbaxyadii ugu ballarnaa tan iyo markii Talada dalkaasi  la wareegay sannadkii 1989-kii.

Waxa uu Madaxweynihii jimcihii hore kala diray Dowladdii Dhexe iyo kuwii Maamul-gobaleedyadda, wuxuuna dalka ku soo rogay Xukun Degdeg ah oo socon doona muddo hal sanno ah.

Madaxweyne Albashiir waxa kale oo uu ku dhawaaqay inay Xildhibaanadda Barlamaanka joojiyaan Isbedelka lagu samaynayo Dastuurka, si ay isaga fursad ugu nqooto inu umar kale isku soo taago Doorashadda Madaxtinimadda marka uu dhamaysto Xilli-hawleedkiisa sannadka soo socda ee 2020-ka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment