Mogadishu | QOL | February 17, 2019–Madixii Hawlgalladda ee Shirkadda O & P ports ee shaqo-wadaagta yihiin Shirkadda DP World ee maamusha Dekedda magaalladda Bosaaso, Paul Anthony Ramosa ayaa la filayaa in berri subax lagu aaso magaalladda Marsakaba ee dalka uu u dhashay ee Malta.
Hadal ka soo baxay Qoyskiisa ayaa lagu sheegay in maydkiisa Khamiistii hore la geeyey dalka Malta, si loogu aaso.
Qoyska waxay u mahad celiyeen Warbaahinadda sida ay u xushmeeyeen Arrimaha Khaaska ee Qoyskiisa muddadii ay ku jireen xilligan adag, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Paul Anthony Ramosa waxaa bishan 4-di ilagu dilay meel ku dhow Dekedda magaalladda Bosaaso ee Gobalka Bari.
Xarakadda Alshabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen dilkiisa, iyagoo ku eedeeyey inuu si sharci-darro ah ku joogay dalka Somalia.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________