1245 Views

QM Oo Sheegtay In Wakiil Cusub U Soo Magacaabi Doonaan Somalia Kadib Eryidii Nicholas Haysom

QM Oo Sheegtay In Wakiil Cusub U Soo Magacaabi Doonaan Somalia Kadib Eryidii Nicholas Haysom
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jan 05  2019 —War-Saxaafadeed kasoo baxay kuxigeenka afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Farxaan Xaq ayaa lagu sheegay in xoghayaha guud uu soo magacaabi doono wakiil cusub oo badali doono wakiilkii hore Nicholas Haysom.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Antonio Guterres ayaa aqbalay Go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya dalka uga ceyrisay Wakiilkoodii u joogay Soomaaliya ee Nicholas Haysom.

Qoraal uu Akhriyay kuxigeenka afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Farxaan Xaq ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin falka ay ku dhaqaaqday Dowladda Federaalka,hayeeshee Nicholas Haysom uu yahay Shaqi ay ku kalsoon yihiin oo Khibrad leh.

Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Go’aanka Dowladda ay u jartay Wakiilkoodii Soomaaliya u joogay ee ah (Persona Non Grata) uusan qaban Hay’adaha UN-ka sidoo kalena loo isticmaali karin sida uu qabo heshiiska Diblomaasiyadda ee Vienna.

Qoraalka kasoo baxay Xoghayaha Guud ee Qaramada Antonio Guterres oo aad u dheeraa ayaa sidoo kale lagu sheegay in Qaramada Midoobay sii wadi doonto taageeraada dadka Soomaaliyeed.

Si kastaba Go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay 1-dii Bishaan dalka uga erisay Wakiilkii Qaramada Midoobay u joogay Soomaaliya ayaa dad badan isweeydiinayeen waxa ka dhalan kara halka kuwo kale ay taageereen.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment