1815 Views

Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxda Jasiiradda Cyprus oo Kulmay.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxda Jasiiradda Cyprus oo Kulmay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 16, 2018 –Kulanka Gudoomiyaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan iyo xubno katirsan Golaha Shacabka ayaa la kulmay Madax katirsan Jasiiradda Waqooyiga Turkiga dhacda ee Cyprus.

Waxa uu la kulmay Gudoomiye Mursal Madaxweynaha Cyprus-ta Waqooyi Mustafa Akinci, Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi Tufan Erhurman, iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Kudret Özersay.

Xiriirka labada Dowladood, iskaashiga iyo sidoo loo xoojin lahaa ayay ka wada hadleen sida mas’uuliyiin labada dhinac katirsan ay Warbaahinta u sheegeen.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka qayb galay 35-sano guuradii kasoo wareegtay markii la aas-aasay Jasiiradda Waqooyiga Cyprus ee Jamhuuriyadda Turkiga.

November 15, 1983-dii ayaa la aas-aasay Jamhuuriyadaan, waxaana laga isticmaalaa lacagta Turkiga ee Liraha.

Daraasad la sameeyay 30-kii September 2018-ka waxaa dadka kunool Jasiiradaan lagu sheegay in ay kordheen oo tiro ahaan ay gaarayaan 1.11 Million oo qof.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment