2820 Views

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Shaaciyay Mushaarka Uu Qaato Bishii

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Shaaciyay Mushaarka Uu Qaato Bishii
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 20, 2018 —Abiy Axmed Cali  ayaa sheegay inuu 7 maalin joogo Xafiiskiisa, isla markaana uu bishiiba mushaar ahaan u qaato 300 oo Dollarka Maraykanka ah.

Hadalkaasi ayuu ka sheegay Qasriga Menelik Palace ee Addis Ababa, xilli uu wareysi siinayey Wargeyska The African Exponent.

Waxa kale oo uu sheegay inuu Xafiiska RW joogi doono 2 Xilli Doorasho, kadina ka degi doono Talada dalkaasi Itoobiya.

Waxa uu tilmaamay Abiy Axmed inuu Ku dheganaan doonin Madaxtinimada sida Madaxweynayaasha Sudan iyo Uganda ee muddada dheer haya Talada labadaasi dal.

Isaga oo sii hadlayay ayuu xusay inay 20 sanno halgan ugu jireen sidii dalkiisa loogu soo dabaali lahaa Dimuqraadiyada,  wuxuuna ku faanay inuu yahay Hoggaamiyihii ugu horeeyey ee booqasho kormeer ah Ku soo mara kala-bar magaallooyinka ku yaalla Goballada Itoobiya..

Waa Mas’uulkii ugu horreeyay ee Afrikan ah ee sheega in mushaarkiisu uu yahay 300 oo Dollar,iyad aoo ay jirto in Wadamo badan ay lacago mushaar ah oo farabadan qaataan,isla markaan ay u sii dheer tahay qaadashada lacago kale oo aan xad laheyn.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment