2766 Views

Maamulka Gobolka Banaadir oo dhiirigeliyey Dalxiiska Caasimadda

Maamulka Gobolka Banaadir oo dhiirigeliyey Dalxiiska Caasimadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Sebteembar 27, 2018 — Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku qabtay xeebta degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho barnaamij ka mid ah Olalaha Dalxiiska Caasimadda.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa tilmaamay in barnaamijkan oo lagu marti qaaday qaar ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool Caasimadda uu qeyb ka yahay dadaallada lagu muujinayo muuqaalka dhabta ah ee ka tarjumaya horumarka iyo dib u kabashada magaalada Muqdisho.

“Dalxiisku waxa uu astaan u yahay nabadda iyo horumarka bulshada, waa farriin cad oo ku wajahan argagixisada doonaysa in ay niyad jabiyeen shacabkeenna, muuqaal khaldanna ay ka bixiyaan dalkeenna.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka shaqeynayo dib u soo nooleynta dalxiiska, maadaama Caasimaddu ay caan ku ahayd goobo si weyn loogu soo dalxiis tagi jiray.

Xubno ka tirsan Urrurada dadka naafada ah ee qeybta ka ahaa barnaamijkan dalxiiska ayaa uga mahad celiyey Maamulka Gobolka Banaadir fursad isdhaxgal iyo farxadeed ee ay u abuureen, iyagoona ku baaqay in la kordhiyo barnaamijyadan.

Goobta lagu qabtay Olalaha dalxiiska ee lagu beegsanayey dadka baahiyaha qaarka ah qaba ayaa waxaa lagu soo bandhigay qaar ka mid ah cuntooyinka dhaqanka ah u dadka Soomaaliyeed, hiddo iyo suugaan.

dalxiiska-dalka-5 dalxiiska-dalka-6 dalxiiska-dalka-7 dalxiiska-dalka-4 dalxiiska-dalka-3 dalxiiska-dalka-2 dalxiiska-dalka-1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment