2241 Views

Sacuudiga Oo Cadeeyey Sababta Uu U Soo Celiyey Xoolo Laga Dhoofiyey Somalia

Sacuudiga Oo Cadeeyey Sababta Uu U Soo Celiyey Xoolo Laga Dhoofiyey Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 12, 2018 –  Dhawaan dowladda Sacuudiga waxaa ay dalkeeda ka soo celisay markab siday Xoolo farabadan  oo laga dhoofiyey Dekada Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,waxaana dowladda Sacuudiga cadeysay sababtii ay u soo celisay Xoolahaas.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Deegaanka, Dhirta iyo Biyaha Sacuudiga ayaa waxaa lagu sheegay in xoolahaas lagu sameeyey baaritaano,isla markaana la ogaaday in ay qabaan cudurka ku dhaca xoolaha ee loo yaqaano (Rift Valler).

27,000 oo neef ari ahaa ayaa baaritaano ka dib ay dowladda Sacuudiga Go’aansatay in dib loogu soo celiyo Soomaaliya,iyada oo lagu wado in markab sida  uu soo gaaro dekada Magalada Boosaaso.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin tallaabada Sacuudiga uu dalkiisa uga soo celiyey Markab siday xoolo farabadan oo laga dhoofiyey Soomaaliya.

sucuudiga-qoraalka-

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment