Muqdisho | QOL | August 10, 2018 – Wararka aan ka heleyno Magalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka Shacabka dimuqraadiga dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,Wasiiro iyo Saraakiil loo qaaday Adis Ababa.
Sarkaal ka tirsan Ururka ONLF ayaa warbaahinta u xaqiijiyey Warkaan, waxaana uu sheegay in lagu amray in si deg deg ah ku tagaan Addis Ababa sidaasina ay ugu baxeen.
Gudoomiyaha Baarlaamnka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa wehlinaya 20 Wasiir iyo Saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Liyuu Boolis, kuwaas oo diyaarad gaar ah ka qaaady Magalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Horey ayaa Ciidamada Federaalka Itoobiya waxa ay jigjiga ka kaxeeyeen Madaxweynihii xilka ka degay ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar kaas oo la soo sheegayo in uu Xabsi guri ku yahay Magalada Adis Ababa.
.
W/Q:-Bashiir Barre ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________