Muqdisho , July 03, 2018 Ra’iisul wasaraaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Taliska guud ee Ciidanka Booliska, halkaasi oo uu kusoo dhoweeyey Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko iyo Saraakiil ka tirsan Ciidankaasi.
R/wasaare Kheyre oo ay wehliyeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow, Wasiir ku xigeenka Amniga gudaha iyo Taliye ku xiggeenka NISA, ayaa kulan looga hadlayey dardar gelinta Ammaanka la qaatay Sarreeyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska.
Ra’iisul wasaraaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay kulankaasi, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sii adkeeyo Amniga dalka, waxaana Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu ku ammaanay inay ku guuleysteen sugiga amniga magaaladda Muqdisho, waxaana uu kula dardaarmay in la sii dardar geliyo shaqada.
W/Q:-Bashiir Barre ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
———————————————————————-
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________