2097 Views

Xildhibaano ka digay in la hakiyo deeqaha gargaarka ee la siiyo Somaliland

Xildhibaano ka digay in la hakiyo deeqaha gargaarka ee la siiyo Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 25, 2018 – Xildhibaanada ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee ka soo jeeda maamulka Somaliland ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii dowladda federaalka Soomaaliya ay hakiso deeqaha gargaarka ee Beesha Caalamka ay sida gaarka ah u siiso Somaliland.

Senator Nuuro Faarax Jimcaale oo ka mid ah Baarlamaanka Aqalka Sare ayaa Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho u sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ay isku raacaan in la jaro deeqaha la siiyo Somaliland.

“In maamul goboleedyada ay yiraahdaan Somaliland waa in laga joojiyaa wax allaale wixii caawimaad ah ee la siinayay taasi waxay keeneysaa cawaaqib xumo oo horseedi kara in Soomaaliya ay kala tagto, waxaan aaminsanahay in taasi ay tahay in la sii fogeynayo arrinta Somaliland, waxaan maamulada ugu baaqeynaa in arrimaha Somaliland ay faraha kala baxaan.” Ayay tiri xildhibaan Nuuro.

Xubnahanan ka kala tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan qorshe ay xukuumadda Soomaaliya wax kaga weydiinayaan arrintan, sida ay inoo sheegtay Senator Nuuro Cali Faarax.

Qoraal ay shalay si wadajir ah u soo saareen Golaha iskaashiga Dowlad goboleedyada ayaa waxa ay ku taageereen go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku hakisay deeqihii la siin jiray Somaliland.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI                                                

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment