Taarikhda 15/05/2018
Taariikh waay soo noq noqotaa si ay uga faa’iideystaan dhamaan dhallinyaradda soomaaliyeed oo ah jiilka maanta jira oo la filaayo in ay hogaanka dalka hantaan, waxaan maanta si farax ay ku dheehan tahay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ba loogu dabaal degeynaa sanad guuraddii 75aad ee xisbiga S.Y.L.
Sidasi darteed waxaa maanta ii faraxad ah in aan halkani hambalyo iyo boogaadin ba uga soo gudbiyo dhamaan shacabka weynaha soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan, maanta oo ah sannad guuradii 75aad ee ka soo wareegtay xisbigii gobanima doonka ahaa S.Y.L oo albaabada loo furay 15 May 1943,.waxaan ilaahay ugu baryeenaa inuu u naxriisto geesiyaashii u shahiiday oo naftoodda iyo maalkooda ba u soo huray xornimadda aynu maanta haysano, inta nool na waxaanu Eebbe ugu rajayneynaa in ay ku noolaadaan bash bash iyo barwaaqo, isla markaaani waxaan ummadda soomaaliyeedna ilaahay uga rayeynaya in uu ka dul qaado colaada iyo abaaraha soo noqnoqday, waxaa na ilaahay aanu ka baryeena inuu quluubta walaalaha soomaaliyeed burcad isku mariyo si loo gaaro midnimo iyo horumar.
Runtii 13-kii dhalinyaro ee SYL waxay shideen iftiinkii gobanimo doonka ahaa taasoo ku dayasho muddan in ay ka iftiin qaataan dhallinta maanta jira, waxaana u suurta gashay in ay ku guuleystaan ujeeddooyinkoodda ahayd in shacabka soomaaliyeed ay ka saaraan gumeysiga, waxay na lahaayeen aragti fog oo ah in maalin ay heli doonaa “Pan Somalism” soomaali weyn xor ah oo mideysan.
Dhallinyaradaasi ma aysan lahayn aqoon heer sare ah iyo dhaqaale ay dal iyo dad ba ku xorin karaan lakiinse waxay ahaayeen dad aaminsan isla markaasi na ay ku weyn tahay waddaniyadda una istaagay in ay dalk ka xoreeyaan gumeysiga, ugu dambeyntii na ilaahay u suurta gelisay in shacabka soomaaliyeed ay gaarsiyaan xornimo taam ah. Sidiisi darteed taariikhdu waxay qortaa qof alla qofkii dalkiisa iyo dadkiisa ba wax tara kaasoo baal dahab ah ka gali doonaa oo sannad walba la xusi doono sida aan sanad walba u xusno dhalinyaradii u soo halgamay naf iyo maal na u huay xornimadda maanta aynu ku faano sidoo kale qof alla qofkii qaadinul wadan ah ama dadkiisa iyo dalkiisa dambi ka gala wuxuu baal madow ka gali doonaa cajaladda taariikhda socota.
Asaaskii Xisbig SYL
Haddii aan dib u milicsaddo halgankii SYL ee konfurta soomaaliya oo bar bar socday halgankii gobanimo doonka SNL ee waqooyiga soomaaliya, Waxaa xiligaasi dalalka Afrika ka jirtay naacoow gobanima doon ah oo fanfiniinkeedu soo gaaray Soomaaliya, dhallinyaradaasi is urursatay waxa shirarkoodda ku qabsan jireen degmad xamar weyne via Roma waxayna dhamaan isku waafaqeyn in marka hore in la sameeyo naadi ay ku kulmaan dhallinta soomaaliyeed si aan loo tusin Ingriiska in naadigaasi uusan ahayd mid siyaasi ah. Sidaasi darteed waxaa la sameeyey uruur ay ku kulman dhallinyarada Soomaaliyeed oo la magac baxay SYC (Somali Youth Club) kaasoo ahaa urur aan siyaasi ahayn goobtaa soo ay ku kulmi jireen dhallinyaradda iyo wax garadka soomaliyeed, Xisbiga SYC muddo ka dib wuxuu noqday uruur siyaasi ah oo la magac baxay SYL. waxaa na dhidhibadda loo dhigay taariikhda marka ay ahayd 15.05.1943kii
Subaxdii 15.05.1943, xafiiskii Diinsiga Ingiriiska, codsigii lagu dalbayey ruqsada Naadiga Dhallinyaradda Soomaaliyeed S.Y.C waxaa Gudoonsiyey mudane Cabdulqadir Shiikh Sakhaawodiin oo ah Guddomiyaha Xisbiga, Diinsigii Ingiriisku markuu akhristay codsiga wuu yiri” Waa idiin oggolaaday inaad Naadiga furataan, waayo annagu waxaan nahay Dawlad Dimuqaraadi ah. Waxaanse idiinkaga digayaa inaad sameeysaan wax allaale iyo wixii dhibaato u keeni kara amniga iyo xasillonida dalka marna ma oggolin wixii danaha ingriiska dhibaato u keeni kara sidaasi ayaa lagu oggolaaday Xisbiga S.Y.L“Somali Youth League”,. oo si rasmi ah loo furay taariikhda kor ku xusan oo ay ku kulmeen Aasaasayaashii Dhallinyaradda Soomaaliyeed ka kooban 13 dhallinyaro oo kala ah: –
- Cqaadir Sheekh Saqaawadiin
- Max’ed Xirsi Nuur (Siidii)
- Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke
- Xaaji Maxamed Xuseein Maxamed
- Cismaan Geedi Raage
- Daahir Xaaji Cismaan
- Dheexe Xaaji Dheere Xuseein
- Maxamed Cali Nuur
- Cali Xasan Maslax
- Huudoow Macalin Cabdulle
- Xaaji Maxamed cabdullahi (Xayeesi)
- Maxamed Faarax Hilowle
- Maxamed Cismaan Baarbe
kuwaasoo ahaa dhallinyaraddii fahmay dhibaatooyinka iyo hagar daamadda gumeysiga uu leeyanhay shacabka soomaaliyeed, iyaga oo aad u diidana siyaasadda gumeysiga oo ahayd “qaybi oo xukun” dhallinyaraddaasi waxay si weyn xil isaga saareyn sidii shacabka soomaaliyeed xornimo taam ah loo gaarsiin lahaa.
Xisbigaasi wuxuu ku tallaabsaday guulo la taaban karo, isla markii ba wuxuu dastuurkiisa ku soo bandhigay ama ku xusay dhibaatadda qabyaaladda ay u leedahay horumarka iyo midnimadda shacabka soomaaliyeed.
Qodobadaas waxaa ka mid ahaa intaan ka xusuusto:
- In loo halgamo, lana xaqiijiyo gobanimada iyo madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed.
- In shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal maamulna la isugu keeno.
- In xoog la saaro tacliinta, siiba in lagu dadaalo waxbarashada dhallinyarada, iyadoo la aaminsanaa inaan horumar iyo madaxbanaani la gaari Karin tacliin la’aanteed.
- In af Soomaaliga la qoro oo weliba la qaato farta Cismaaniyada, iyadoo fartaas loo arkayey inay tahay mid waddani ah.
- In shacabka lagu baraarujiyo halganka gobanimadoonka iyo madaxbanaanida.
- In la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun ooy ka mid yihiin qabyaaladda, quursiga, iskala takoorka iwm.
Kuwaas ayey ahaayeen qodobadii ugu muhimsanaa ee aan kor ku soo xusnay, qodobada haray waxay badi ku saabsanaayeen xeer-hoosaadka iyo maamulka Xisbiga. Qodobada la soo bandhigay dhammaan waa la isku wada waafaqay. Kulankii dhallinyaradda waxaa talooyin iyo fikradda wax ku ool ah ka soo jeediyeen dhallintii goobtaasi ku kulantay, waxayna dhamaantood isku waafaqeyn taladdii uu soo jeediyey muddane Yasiin Haji Osman taladaasoo ahayd in la doorto qofkii hogaamin lahaa xisbiga guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen wuxuu kale talo ahaan ku soo jeediyey muddan yaasin oo ahaa xubin firfircoon in labadaas jago ugu weyn xisibiga aan loo magacaabin xubno ka soo jeeda qabaa’ilka waaweeyn si looga hortago tartan iyo awood-sheegasho qabiil oo mustaqbalka burburisa himiladda xisbiga,arrintaasi oo loo arkayd in ay hakad gelin karta halganka iyo masiirka shacabka soomaaliyeed, iyadoo taladaasi la tixgalinayo waxaa la doortyay labadaan mudane:-
- Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye
- Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen
Yaasiin Xaaji Cismaan isaga na waxaa loo doortay Xoghaye Guud ee Xisbiga SYL. Waxaa kaloo la go’aansaday inaan durbadiiba la soo bandhigin ujeedada siyaasadeed ee Xisbiga ilaa iyo intuu ka hanaqaadayo xisbiga. Waxaa sidaas loo yeelay in Maamulka Ingiriiska loo tuso Xisbiga inuu yahay naadi dhallinyaro oo u gooni ah arrimaha bulshada iyo dhaqanka ku saabsan ah si looga gaashaanto carqalad iyo tacaddi ka imaan kara ingariiska xaggiisa.
Xisbiga SYL markii ba waxaa caqabad ku noqotay ama ka horyimid qabiil iyo qabyaalada oo looga baqay in ay hakiyaan horumarka iyo ujeeddooyinka fog ee xisbiga hase durbaddii ba wuxuu bilaabay inuu olole naxriis daro ku qaado qabyaaladda iyo kuwa qabiilka adeegsanaayo, taasoo si weyn uu ugu guuleystay in qabyaaladda uu ka hor tago oo si tartiib tartiib ah u dagaalamo taasi ayaana u suurta geliisay horumarka weyn ee xisbigu uu ku talaabsaday
Dhallinyaraddii horseedka xisbiga SYL
Waxaa halkani si gaar ah uga xusayaa dhallinyaraddii horseedka xisbiga SYL oo doorka weyn ka qaatay la dagaalka qabyaayadda isla markaasi na u xilsaanaa in ay ka hor tagaanoo aafaadda qabyaaladda ay u leedahay sumcadda xisbiga waxaa dhallinyaraddiisi horseedka ahaa xisbiga S.Y.L oo ay ka mid ahaayeen:
- Adan Carte
- Adan Gurey
- Warsame Jooglaqe
- Osman Galay
- Maxamed Gaagaale
- Cabdikariim Beerweyne
- Warsame Joqof
- Yuusuf Ibraahim Aburas
Iyo kuwa kale oo aan xasuusanin oo door weyn ka qaatay la dagaalanka qabyaaladda, kuwaasoo fahmay in qabiilku caqabad uu ku yahay halganka ummadda soomaaliyeed. Waxayna guul la taaban karo ay ka gaareen in ay soo af jaraan colaaddii dhex taalay walaalaha soomaaliyeed. Muddo yar ka dib, Xisbigu wuu xoogeeystay waxaa ku soo biiray taageerayaal aad u fara badan oo mutadawiciin ah waxaa cirka maray xisbiga magaciisa iyo maqalkiisa uu ku lahaa shacabka soomaaliyeed.
Gobollada iyo degmooyinka waxaa ka yimid farriimo taageero ah iyo codsi ay ku codsanayaan in Xisbiga loo furo, waxaa moodaa in shacabka Soomaaliyeed sugayey dhawaaqa oo keliya.
Munaasabaddii sannad guuraddii 5aad ee Xisbiga SYL
Dhallinyarada aan kor ku soo xusay oo ku kala baahsaneyd goboladda soomaaliyeed oo idil si ay u barayrujiyaan dadweynaha ku nool gobaladaasi isla markasina ay ku wacyi geliyaan waddaniyadda iyo midnimadda summadda soomaaliyeed oo gumeysiga kala qaybiyey, dhallinyaradaa soo gacan weyn ka geystay inuu najaxo kormeerka wafuudda SYL ay ku maraayeen 5ta soomaaliyeed, kormeerayaashaasi waxay caddeyeen in dadweynaha soomaaliyeed meel kasta ba ha joogeen ay diyaar u yihiin midnimada shacabka soomaaliyeed, waxay kale kormeerayaashaasi warbixintoooda ay xuseen dhibaatooyinka hortaag halganka gobannimo doonka soomaaliyeed ay tahay qabyaaladda oo ku abuurtay bulshadda soomaaliyeed is naceeb iyo kala qaybsanaan sidaasi darteed loo baahan yahay in laga hortago qabyaaladda waxaana arrinkaasi u xilsaanaa dhallinyaraddii horseedka xisbiga SYL ,
Munaasabaddii sannad guuraddii 5aad ee aasaaskii xisbiga SYL, waxaa ka soo qayb galay wafuudii kormeerka ku kala soo bixiyey goboladdii 5ta soomaaliyeed, ujeeddada ugu weyn kormeerkaasi wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn “Pan Somalism”, lana wacyi geliyo dadweynaha soomaaliyeed sidii loo helo midnimo soomaaliyeed oo loo tuso wafuuddii ka imaaneysi United Nations. Haddii aan tusaale ahaan u soo qaato kormeerkaasi waxa hogaaminaayey muddane Maxamed Axmed Otavio, iyo muddane Axmed Allore iyo Mudane Ladane .
Dhallinyaradii Somali Signal Squardro
Waxaa kale oo xusid muddan in aan halkaani ka xuso dhallinyaraddii ka tirsaneyd Somali Signal Squadro oo door weyn ka qaatay in ay kormeerayaasha ku guuleystaan kormeerkoodda maxaa yeelay meel alla meeshii ay cagata dhigaanba waxaa taar ka hormari jiray dhallinyaraddii Somali Signal Squardro, waxaa Dhallinyaradaasi Somali Signal Squardro ay ka mid ahaayeen :-
- Cabdiraxmaan Alfaas
- Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
- Cabdulkadir Cali Bolay
- Cabdulkadir Qararac
- Cabdi Adan
- Cali Xirsi Jano gale
- Cali Food
- Adam Tasame
- Axmed Qamac
- Maxamed Raajis Maxamed
- Maxamed Ahmed Faarax (Xeerow Xaaji)
- Maxamed Al Casaami
- Axmed Maanac
- Axmed Xaaji
- Cali Yare Xilki
- Maxamed Xilki
- Ibraahim Baalay
- Xusseen Axmed Afrax Biif
- Dheere Maxamed Shariif
- Xasan Colow
- Cabdulqaadir Qararac
- Adan Tasame
- Cabdi Rabbo
- Xuseen Ramadaan
- Saajiin Maxamed Xassan Cabdow
- Saajin Cabdullah Xuseen Bin Xuseen
- Saalax Xuseen Bin Xuseen
- Omar Xuseen Bin Xuseen
Waxaan ka cudur daaranaayaa haddii ay ka tagay dadkii faraha badan oo aan halkani ku soo koobi kaarin maadaama ay goboladda iyo degmooyinka dalka oo idil ay ku kala baahsanaayeen, balse taariikhda ummaadda soomaaliyeed xusi doonto sidaasi darted Kooxdan Somali signal squadron intaasi way ka badnaayeen waxayna ka howl gali jireyn dhamaan goboladda soomaaliyadu ay degaan gaar ahaan dhulka ogaadeyna oo loo yaqaano Haud Reserve Area xiligaasi waxaa loo hanweynaa in la helo soomaali weyn oo mideysan
Gabdhahaii Horseedka Xisbiga SYL
Waxaa kale aan la ilaabi Karin doorkii gabdhaha soomaaliyeed oo xiligaasi la oraqn jiray Sisters door weyn ayay ka soo qaateen halgankii xornimadda, kuwaasoo naf iyo maalba u huray sidii loo gaari lahaa xornimo, waxaa kamid ahaa Xaawo Osman Taako oo lagu dilay albaabka Leegadda hortiisa iyo Timiro Cukaash oo ay ku dhashay xabsiga gumeysiga dhexdiisa iyo kuwa kale oo aan xasuus ku soo koobi Karin.
Gabdhahaasi waxaa ka mid ahaa:-
- Xalima Kulmiye Xamar
- Xalima Soofe Xamar
- Xaawi Osman Taako Xamar
- Raaxo Ayaanle Xamar
- Faduma Xaashi Baydhaba
- Timiro Cukaash Kismaayo
Munaasabaadaasi oo lagu xusaayey sanad guuraddii 5aad ee xisbiga SYLwaxaa heeso wadani ah ka soo jeediyey Abwaankii weynaa Qasim Hilowle (Iskiifo) , heesahaasi oo shacuur wadanimo ku abuurtay dhamaan shacbiga soomaaliyeed oo ka soo qayb galay munaasabaddaasi , heesahaasi waxaa ka mid ahaa :-
- Soomaaliyey qabiil qabiilka daaya , soomaaliyeed qabiil qaran ma dhiso
- Soomaaliyey toosooy toosooy isku tiirsanayey , hadba kii taag daraney taageera weligiina .
- Soaomaaliyey daaya kani waa ugaas , kani waa suldaan , kani waa islaw, kani waa malaaq .. waa inaad ilawdaanee!!!!
Heesahaasi waxay wax weyn ka tareen kordhinta wacyiga shacbiga soomaaliyeed taasoo ay ku beertay wadaniyadda, oo ay shacabka fahmeyn qiimaha ay leedahay waddaniyadda.
Dagaalkii labaad ee adduun markii uu dhamaaday ayaa arrinta Soomaaliya la hordhigay jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa, shirkaasi oo ay ka soo qayb galeyn wadamadii ku guuleystay dagaalkii labaad ee adduunka oo uu hogaaminaayey dawladda Mareykanka, waxaana shirkaasi cod buuxa la isku waafay in soomaaliya wisaayada ay noqoto, hase yeeshee dawladda Faransiiska ayaa arriintaasi wisaayadda si xoog leh uga biyo diiday. Sidaasi darteed wuxuu shirkii ku dhammaaday fashil iyo guuldaro kaddib markii ay dawladihii ku heshiin waayeen siyaasadahooda ku wajahan Soomaaliya.
Bishii Oktoober 1947kii mar kale ayaa arrinaha soomaaliya la hor geeyey xoghayayaasha guud ee wassirada arrimaha dibadde ee dalalkii ku guuleystay dagaalkii labaad ee adduunka dood fara badan ka dib waxaa la isku waafaqay in Soomaaliya loo diro guddi xaqiiqa raadin ah oo soo oddorasa isla markaasina warbixin ku saabsan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed in ay diyaar u yihiin gobannimo iyo in kale.
Baaqii Odayaasha Dhaqameedka Waqooyiga Soomaaliya
Waxaa xusid muddan Odayaasha waqooyi iyaga oo ka shaqeynaaya mideynta soomaaliya waxay markii ay taariikh ahayd 17/07/1947kii baaq qoraal ah u direen xafiiska {The war Office – London}taasoo loo mariyey maamulkii gumeysiga xiligaasi ka talin jiray gobolada waqooyi. Baaqaasi oo ay u dhamaayeen suldhaanada, caaqiladda, odayaasha dhaqameedka iyo waxgaradka dadka reer Somaliland kuwaasoo kala ah :-
- Suldaan Maxamed Cali Shire
- Suldaan Ali Muuse
- Suldaan Maxamed Faarax
- Suldaan Xersi Cabdillahi
- Suldaan Saciid Cabdi Abbi Guddoomiyaha ururka SNS
- Suldhaan Maxamuud Jaamac Xoghayaha Guud SNS
- Suldaan Cumar Hurreh Guddoomiyaha SNS – Cergaabo
- Suldhaan Xaaji Jaamac Maxamed Xoghayaha Maaliyadda SNS
- Suldhaan Ibraahim Cali SNS
- Suldhaan Axmed Suleymaan Guddoomiyaha SNS – Burco
- Suldhaan Cabdi Ciise SNS
Waxaan dareensanahay in xaquuqda dadkeena lagu tuntay taasoo horey na soomaaliya si arxan daro ah loo qayb qaybiyey maadaama dalka iyo dadka soomaaliyeed ay kala qaybsadeen British, Fraance, iyo Italia iyo Ethiopian, qaybintaasi oo dhibaatooyin fara badan ay ka soo gaareen dadka soomaaliyeed taasoo caqab culus ku noqotay horumarka dalka ee dhinaca dhaqaalaha , sidaasi darteed kala qaybsanaan xagga siyaasadda waxay ummadda soomaaliyeed ay dhaxal siisay horumar la’aan oo sababtay dib u dhac dhinaca dhaqaalaha iyo aqoonta.
Waxaan rumeysanahay in dawladda Ingriiska dano fara badan ka leeyahay gobolka geeska Afrika sidaasi darteed waxaan ka codsnayenaa boqorka dawladda ingriiska xafiiskiisa inuu dalkeyna ka difaaco haddii dibadda laga soo weeraro iyo guud ahaan danaha ummadda soomaaliyeed maadaama dawladda ingriiska guul weyn ka soo hooyey dagaalkii labaad ee adduunka guushaasi oo ay qayb ka ahayd ciidankii soomaaliyeed ay ka qayb ahayd isla markaasi na la barbar dagaalamay dagaladdii lagu jibiyey dawladda Garmalka, dawladda Japanese iyo dawladda talyaaniga.
Waxaan boqortooyadda dawladda Ingariiska ka codsaneynaa in la mideyo ummadda soomaaliyeed maadaama dawladda Ingriiska uu gacanta ku haaya dhamaan dhulka soomaaliyeed oo idil marka laga reebo Djbouti oo dawladda Fransiiska gacanta ku haysay sidii loo mideyn lahaa isla markaasina loo helo somaali weyn oo madax banana “Bansomalisim”
Waxaan boqortooyadda ka fileynaa in dadka iyo dalka soomaaliyeed ee maamulka dawladda ingriiska gacanta ku haya sidii loo mideyn lahaa isla markaasi na waxaan ka rajayneynaa in aysan mar kale dhicin sida foosha xun ee ummadda soomaaliyeed loo kala qayb qaybiyey taasoo aan hore uga dhicin qaaradda Afrika. Nuxurkii baaqaasi wuxuu ahaa in sidii loo heli lahaa soomaali mideysan oo xor, xiligaasi oo soomaalidu aaminsanaayeen in maalin la heli doono soomaali weyn oo xor ah.
Bishii Oktoober 18, 1948 waxaa xusid muddan halyeeygii Maxamuud Jaamac Uur-Doox warbintin dheer uu u qoray jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa, wuxuu qoraalkiisi ku caddeeyey 90% shacabka soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin in ay helaan “Pan Somalism”soomaali mideydsan oo xor ah
Kormeeryashii Qaramada Midboobay
Bishii Janaayo 1948 waxaa magaaladda Muqdishu ka soo degay guddigii ay u soo xil saartay jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa, oo ka koobnaa dawladda Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka iyo Faransiiska kuwaa soo kormeer iyo xog raadin ah ku yimid soomaaliya ujeeddada ugu weyna ay ahayd in ay kala hubsadaan in dadweyna soomaaliyeed ay u bisil yihiin hanashadda xoriyada iyo in kale.
Guddigaasi afarta ah waxay durbadiiba ay bilaabeen in ay dhegeystaan fikraddahii iyo warbixinadii xisbigii SYL iyo Axsaabtii tiradda badaneyd ee dalka ka jiray oo kala ah sida tan ee hoos ku xusan :-
Somali Youth League (S.Y.L)
Hamar Youth Club (HYC)
Patriotic Beneficient Union
The Arab Community
The War Veterans
The Somali Young …. “Qabiil ku magacdarsaday”
Hindaitul Islam
Comitato Rappresentativo Italiano
Xisbiga la magac baxay patriotic Benefiecient Union ay isku bahaysteen 7 urur oo yar yar oo lagu tiriyo in ay gacan saar la leeyihiin talyaaniga (Pro-Italia) .
kuwaaso dhamaan ka soo horjeedday iraadii shacabka soomaaliyeed oo ahaa in la gaaro xornimo, iyaga oo ku andacoonaayey in ay shacabka soomaaliyeed maanta diyaar u ahayn in xornimo la gaarsiiyo loona baahan yahay in muddo 30 sannadood in lagu jiro gacanta Talyaaniga.
Taariikhdu markii ay ahayd 20 Janaayo 1948 guddigii ka socday 4tii dawladood oo wakiilka ka ahaa jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa, la kulmeen Guddigii matalaayey xisbigii SYL oo warbixintiisa xambarsaneyd himilooyinkii iyo rabitaankii shacabka soomaaliyeed siiyey guddigii xog raadinta u socday.
Guddiga Somali Youth Leage SYL
Xaaji Maxamed Xuseen Guddoomiye
Cabdullahi Ciise Moxamud Xoghaye
Maxamed Ahmed Xubin
Xaaji Faarax Cali
Sharif Maxamed C/raman
Xaaji Bashiir Ismaciil
Muddane Cabdullahi Ciise Maxamuud oo ka wakiil ah xubnaha SYL , guddiga jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa, hortiisa ka soo jeediyey warbixintii xisbiga SYL warbixintaasi oo lagu codsanayey jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa United Nations ka in si deg deg ah oo aan shuruud lahayn ummadda soomaaliyeed loo guddoonsiiyo madaxbanaanideedda iyo in inta himiladaasi laga gaarayo afarta dowladood oo xoogga waaweyni ay si wadajir u maamulaan dalka , iyagoo ka wakiil ah jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa.
Xisbigii Hamar Youth Club
Waxaa kale oo xusid muddan xisbigii Hamar Youth Club (HYC) oo ay isku mabaadii ahaayeen xisbigii SYL isla markaasi na ay gacan saar xoog leh ayay lahaayeen siyaaso ahaana isku meel ayay ka soo jeedeen oo ay ka wada sinaayeen in shacabka soomaaliyeed la gaarsiiyo xornimo taam ah,waxayn rabeen in dalka gaaro gobanimo dhab ah .
Xisbiga HYC iyo xisbiga SYL hogaamiyaashiisua isku meel ayay ka soo jeedeen waxay is bar bar taageen halganka gobanimadoonka, waxaana warbixintii xisbiga HYC halkaasi ka soo jeediyey Muddane : Maxamed Abukar Abooke .
Guddiga Hamar Youth Club H.Y.C :-
Xaaji Muxyadiin Xaaji Cali Guddoomiye
Sheekh Cumar Xaaji Yusur Xoghaye
Dheere Xaaji Dheere Xubin
Aweys Dheere Diinle
Xaaji Mungaani Mursal
Maxamed Cumarey Maxamed
Maxamed Abukar Abooke
Axmed Shariif Cali Fakhradiin
Abukar Xamuud Sokorow
Mahamed Macalin Cali (Aamac)
Amiin Cismaan Nuur
Amiin Cadde Cismaan
Amiin Axmed Cumar
Xaaji Macow Yuusuf
Xaaji Cumar Muqadam
Cabdi Abooke Sheekh
Iikar Harkow Sheekh
Aweys Sheekh Ahmed Xaaji
Maye Xaaji Xusseen
Abuukar Abooke Axmed
Maxamed Mahamud Maaxi
Cabdiraxman Sh. Axmed
Maxamed Abati
Maxamed Cismaan
Hase yeeshee guddigii afarta ahaa markii ay la kulmeen xisbiyadii dalka ka jiray waxay noqdeen kala aragti,wakiilkii Ingiriiska iyo kii Mareykanka waxay u arkeen xisbigii S.Y.L. in uu yahay dhaqdhaqaaq waddani ah oo taageero adag ka heysta shacabka soomaaliyeed. Waxaana isku fikir noqday wakiiladdii dawladda Faransiiska iyo Midowgii Sofyeeti waxay u arkeen in xisbiga S.Y.L. uu yahay xisbi taageero ka hela Ingiriiska si uu u kala qaybiyo ra’yiga shacbaka Soomaaliyeed uga na dhex abuuri lahaa qalalaaso.
Hase yeeshee guddigii afarta ahaa markii ay la kulmeen xisbiyadii dalka ka jiray waxay noqdeen kala aragti,wakiilkii Ingiriiska iyo kii Mareykanka waxay u arkeen xisbigii S.Y.L. in uu yahay dhaqdhaqaaq waddani ah oo taageero adag ka heysta shacabka soomaaliyeed. Waxaana isku fikir noqday wakiiladdii dawladda Faransiiska iyo Midowgii Sofyeeti waxay u arkeen in xisbiga S.Y.L. uu yahay xisbi taageero ka hela Ingiriiska si uu u kala qaybiyo ra’yiga shacbaka Soomaaliyeed uga na dhex abuuri lahaa qalalaaso.
Xisbigii S.Y.L. wuxuu doonayay in dawladaha afarta ah ay la wareegaan wisaayada Soomaaliya,ayna haayaan muddo ku siman toban sannadood,kaddibna ay Soomaaliya xor noqoto,waxaana fikraddaasi taageeray maamulkii militeriga ahaa ee Ingiriiska,hayeeshe axsaab kale oo Soomaali ah oo la dan ahaa gumeysigii waxay soo jeediyeen in Soomaaliya ay hoos timaado maamulka Talyaaniga gacantana uu ku hayo muddo dhan soddon sannadood, waxaana fikraddaasi taageeray maamulkii Talyaaniga.
Warbixintii guddigii ka socday afarta dawladood waxay noqotay in shacabka Soomaaliyeed ay aad u neceb yihiin in uu dib ugu soo noqdo Talyaaniga,haddii Soomaaliya la gelinaayana wisaayad waxay jecel yihiin in ay noqoto muudo dhan toban sannadood oo kaliya ,qaramada midoobayna ay la wareegto wisaayada Soomaaliya,hayeeshe guddigu iyagoo warbixintooda u gudbiyay wasiiradooda arrimaha dibedda 30/07/1948kii waxay go’aamiyeen in Soomaaliya aysan imminka diyaar u ahayn in ay is maamusho xag siyaasadeed iyo xag dhaqaaleed ba, gumeysigii Talyaanigana isagoo ka faa’idaysanaya arrintaasi ayuu sheegay in Talyaanigu maaddaama uu khibrad u leeyahay duruufaha Soomaaliya aadna ula socdo xaaladaheeda guud in ay habboon tahay in wisaayada Soomaaliya loo dhiibo Talyaaniga, dawladihii iyo shakhsiyaadkii gacan saarka la lahaana Talyaaniga waxay taageereen fikraddaas uu watay Talyaanigu iyagoo ka baqaayay in Midowgii Sofyeeti uu si fudud u soo galo Afrika.
Guddigii 4ta dawladood markii uu arkay banana baxii weynaa ee ay soo qabanqaabisay xisbigii S.Y.L , S.N.L iyo wakiiladdii ka kala socoday Somali galbeed,NFD iyo Djabouti ee xiligaasi ku sugnaa Muqdisho kuwaasoo taageero ka heysta dadweynaha soomaaliyeed oo muujiyey in ay rabaan xornimo,waxaa guddigaasi u cadaatay in shacabka soomaaliyeed uu rabo madaxbanaani taasoo ay warbixitoodi na ay ku ayideen in shacabka soomaaliyeed inuu hanto xornimadiisa .
Warbixintii 4ta dawladdood ay ka soo jeediyeen jamciyadda qaramada midboobay kuna codsadeyn in ummadda soomaaliyeed la gaarsiiyo xornimo buuxda muddo 10 sanno ka dib, mudadaasi oo looga dan lahaa in la diyaariyo hogaankii maamuli lahaa dawladda cusub ee dhalan doonta.
Himilooyinka ugu weyn ee xisbiga SYL wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn oo mideysan hase yeeshee dhibaatada ugu weyn waxay dhacday markii SYL ay diideyn in Ingariiska gacanta loo geliyo dhulka msoomaalida uu ingriiska ka taliyo, taaso dawladda ingriiska ka careesisay, caradaasi waxay noqotay in Ingriiska uu dhulka Haud Reseve Area uu ku wareejiyo dawladda Itoobiya isla mar kaasi na trainkii ka shaqeynaayey magaaladda Muqdishu uu furfurto
Go’aankii ka soo baxay Qaramada Midoobay
Bishii Nov. 21, 1949kii Jamciyadda qaraamada midoobay ka dhaxeysa waxay aqlabiyad ku oggolaatay fadhigeedii 4aad in koofunta Soomaaliya gacanta loo geliyo dawladdii fashiitaha ahayd ee Talyaaniga muddo toban sannadood loo dhiibo Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan si shacabka soomaaliyeed loo gaarisiiyo xornimo iyo madax bannaani taam ah, go’aankaasi waxaa la sameeyey guddi la talin ahaa oo ka howl gala magaalada Muqdisho. Go’aankaasi waxaa ka biiyo diiday xibigii SYL iyo Xisbigii HYC wakiiladdii labaadsi xisbig waxay cambaareeyeen go’aankaasi ka soo baxay jimciyaddaq qaramada midoobey ka dhaxeysa waxayna sheegeen in ayna mar na oggolaan Karin wasaayadda la go’aamiyey, waxayna si xoog leh u diideen xukun shisheeye gaar ahaan maamulkii shafiishtaha ee talyaaniga isla markaasi na waxay aad iyo aad uga soo hor jeesteen heshiiskii dhexmary Benvin iyo Sforza waxay codsadeen in si deg deg ah loo siiyo xornimo taam ah , laakiinse nasiib daro waa lagu guul dareystay waxaan gacanta loo geliyey dawladdii talyaanig ee fashiitaha ahayd.
Dhacadadii Dhagax tuur
Bishii Oktoober 5, 1949kii waxaa xusid muddan dhacdadii la magac baxday dhaxg tuur, arrintaani waxay dhacay xili CabdullahiCiise uu ku sugan yahay Qaramada Midoobay, ka dib markii uu arkay qorshaha dawladda Ingriiska iyo Talaaniya ay ka damacsan yihiin arrimaha soomaaliya wuxuu halkaasii ka soo diray baaq af garasho ah oo la magac baxay “appeale ai somali”, wuxuuna shacabka soomaaliyeed ugu baaqay in ay kacaan oo diidaan ujeeddooyin gumeysiga, sidaasi darteed xisbigii SYL wuxuu durbadiiba qaban qaabiyey banana baxa weyn oo looga soo hor jeedda dawladda Ingriiska . . Sidaasi ayay dhacadda dhagax tuur la magac baxaday ka dib markii magaaladda Muqdishow ka dhacay dagaal oo ay shacabka Soomaaliyeed dhagxaan kaga hortageen gumeystihii Ingiriiska taasoo looga soo horjeeda wasiirada arrimaha dibedda Ingiriiska iyo Talyaaniga oo ay qaramada midoobay u gudbiyeen mashruuc laga damacsan yahay in dawladda Talyaanigu dib ugu soo laabato Soomaaliya shuruud la’aan, , gumeystihii Talyaaniga wuxuu shirar badan la galay Qaramada Midoobay, iyo qaar ka mid ah wadamada Carabta si uu helo oggolaasho in maamulkiisa ay sii joogaan dalka Soomaaliya. Mudaaharaadyo balaaran ayaa ka dhacay caasimada muqdisho oo looga soo horjeeday gumeestihii talyaaniga, muddane Cabdulqaadir Sakhaawudiin ayaa gacan wayn ka gaystey siduu ugu dhaadhicin lahaa gumaysiga Ingariiska in Soomaalidu ay joogto xiligii ay xur noqon lahayd hase yeeshee wuxuu ku gacan saaray in warkiisa uu maqlo gumeysigii Ingriiska ,
Xisbigii S.Y.L. durbaddiiba markii uu soo ifbaxay arrintaasi wuxuu abaabulay bannaanbaxyo balaaran uu kaga hortagayo mashruucaasi gumeysiga , hase yeeshee mudaaharaadyadaasi waxaa soo dhaxgalay booliiskii gumeestihii Ingiriiska oo digniin u jeediyay dadkii banaanbaxaayay, isla markaas na waxaa dhacday in dadkii mudaaharaadaayay ee dhagaxyo ku tuuraan askartii ingiriiska, waxayna dadwwynaha soomaaliyeed ugu adeegsadeen rasaas
wuxuuna maalintaasi shacabka u geestay dil naxariis darro ahayd iyo xarigba, geesiyaddii soomaaliyeed waxay kaga hortageen dhagxaan nasiib daro se waxaa goobtaasi qiyaas ahaan 50 qof ku dhaawacmatay, 6 ka mid ah mudaharadyaashii na ku halkaasi ku geeriyooden., askartii Ingiriiska na waxaa goobtaasi uga dhimatay 5 askari ah sidaasi ayayna ku baxday dagaalkii dhagaxtuur, runtii markii hore arrinta waxay ahayd oo kaliya banana bax looga soo horjeedda damac gumeysiga hase yeeshee markii dambe isku bedeshay goob dagaal.
Xiligii Mumulkii AFIS
Bishii Abriil 11, 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, Maamulkaasi oo la magacbaxay “Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia” (AFIS). Sidaasi darted jamciyada qaraamada midoobay ka dhaxeysa waxay soomaaliya u soo dirtay 4 dawladdood oo kala Masar, Kolombiya, Liberia iyo Filibiin si ay u kormeeraan howlahda maamulka loo xilsaaray dawladda Talyaaniga una fuliyaan go’aanadda qaramada midoobay si ay u koreeraan howlahad wax qab ee dawladda talyaaniga iyo horumarinta dalka soomaaliya lana socda arrimaha soomaaliya ilaa uu dalka ka gaaraayo maalintii la go’aamiyey in gacant loo geliyo maamul xor ah taasoo maamulkii talyaaniga oo si buuxda loogu xil saaray wisaayadda soomaaliya
Dawladdda Talyaaniga markii uu soo noqday waxaa galay damac ah inuu muddada dheereeysto, Wuxuu isku dayey inuu kala qaybiyo Soomaalida, asiga oo adeegsanayaa siyaasadda ah qaybi oo xukun durbadiiba wuxuu guda galay in qaar ka mid ah hogaamiyaashii Xisbiga SYL uu laaluusho laakiinse uu ku guuldareystay, markii uu ka quustay wuxuu abaabulay axsaab uu ku adeegto isla markaasi na fuliya danaha Talyaaniga, intaasi oo dhan wuxuu u sameeynayey wuxuu rabay inuu dheereeysto muddada u gaariyo ilaa 30 sanadood, isagoo u tusaya in Soomaalidu sidaas rabto, qorshahas qayaanada ku dhisan waxaa si aan gabasho lahayn u hor istaagay horseedkii xisbiga Leegada oo beeneeyey arrintaasi kuna tilmaamay been aan raad lahayn, xisbiga SYL wuxuu kordhiyey halgankiisi asiga oo kaashanaya shacabka soomaaliyeed ilaa ay ku guuleeysataan doroshooyinkii dawladaha Hoose ee 1954, markaas ayaa Talyaanigu quustay oo beddelay siyaasaddiisii ahayd qaybi oo xukun, dantuna ku kalliftay inuu soo dhaweeyo xisbiga Leegadda, laakiinse wuxuu ku guuleystay inuu hanto inuu helo kuwa danaha talyaaniga furliya oo loo yaqiinay Pro-Italia hase yeeshee guusha xoogeeda waxay isku soo biyo shubatay gacanta xisbiga Leegadda
Mar alla markii Talyaaniga uu la wareegay maamulkii wasaayadda Soomaaliya wuxuu cadaadis xoog leh saaray xisbiyaddii ka soo horjeeday oo uu ka mid ahaa SYL iyo HYC gaar ahaan culeys weyn saaray guddoomiyaha xisbiga SYL Muddane Xaaji Maxamed Xuseen taasoo uga aar goosanaayo in ay ka soo horjeesteyn maamulkliisi faashiistaha ahaa. Waxaa farxad iyo raynrayn noo ahayd markii 12ka Oktoobar 1954 la taagay calanka Soomaaliyeed. Calankaas farshaxankiisa iyo hindisihiisa waxaa lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa madaxda xisbiga Leegada.
Calan Saarka Jamhuuriyadda Soomaaliya
Runtii mirihii ay beereen dhallinayraddii nafta u huray dalkoodda iyo dadkoodda waxaa la gurtay June 26, 1960kii iyo July 1, 1960kii maalintii xornimada iyo mideynta labad gobol Waqooyi iyo Koonfur. markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaase nasiibdarro ah inaan hananweeynayn xorriyaddii iyo dowladnimadii oo naf iyo maalba loo soo huray hase yeeshee sida maanta muuqato in rajaydii iyo hankii shayal loo soo halgamay in la helo soomaaliy weyn oo mideysan taasi maanta waxaay noqotay hal baca lagu lisay maxaa yeelay soomaaliyadii xorta ahayd waxay noqotay mid kala go’da ayna adagtahay sidii hore in dib la isku soo celiyo taasi waxaa ka faa’iiday cadawga soo jireenka ah ee soomaaliya oo aad ugu faraxsan in ay soomaaliya kala goo go’aan si aysan mar dambe awood laga baqo aysan u yeelanin
Halgankaasi adaga waxaa looga soo gudbay midnimo iyo waddaniya sidaasi darteed waxaa haboon in shacabka soomaaliyeed hal heeskoodii u noqdo axya wadani, midnimo, midnimo, midnimo qabiil qaran ma dhiso ma na noqon karo, {Midnimaddo waa xoog aan la jibin karin kala taguna waa Burbur soomaaliyeed sidaas ha loo oggaddo} runtii waddaniyadda ayaa aaminsanahay in lagu gaari kara horumar iyo midnimo ummadda soomaaliyeed , isla markaasi na looga bixi karaa dhibaatooyinka maanta dalka ka jira, sidaasi darteed waxaa loo baahan yahay in laga qayb qaato dib u dhiska dalka.
Waxaan ummadda soomaaliyeed u rajaynayaa in sannadkaani sannadka xiga ay ku gaaraan guul horumar leh iyo barwaaqo dawladda maanta u dhalatay waxay ka rajaynaynaa in ay ka digtoonaadaan is qabqabsiga kaasoo keeni kara colaad hor leh balse shacabka soomaaliyeed dawladda ka filayaan in ay ka samata bixiyaan dhibaatadda muddada dheer dadka iyo dalka ba ku habsatay maanta waxaa inuu muuqada ifafaalooyinkii looga bixi lahaa dhibaatadaasi muddada dheera ay jireen dadweynaha Soomaaliyeed.
.
Dr. Abdulkadir Ali Bolay
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________