1992 Views

Trump oo Israel u tagaya si safaaraddiisa uu uga furo Quddus

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 28, 2018 – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxaa uu sheegay in uu qorsheynayo in uu bisha soo socoto aadayo Maamulka Israel si halkaas uu uga furo safaaradda Mareykanka ee Israel.

Waxaa uu sheegay in safaaradda Mareykanka ee Israel uu u wareejinayo Magaalada Barakeysan ee Quddus,halkaas oo ay Israel xoog ku heysato.

Isaga oo shir jaraa’id oo wadajir ah la qabanayay Haweeneyda Ra’isalwasaaraha ka ah Germany Angela Merkel.,ayuu sheegay in uu ku faraxsanyahay qorsha safarkiisa Israel ee Bisha May.

15ka May ayey sheegeen Mareykanka in Safaaraddooda Tel Aviv ay u wareejinayaan Quddus,Trump ayaa bishii December ee la soo dhaafay sheegay in safaaradda Mareykanka loo wareejinayo Quddus sanadka 2019,hayeeshee go’aan dambe oo uu qaatay ayuu ku sheegay in laga dhigayo May 2018 oo ku beegan sanadguurada 70aad ee aas aaska Maamulka Israel ee lagu abuuray dhulka Falastiin.

Majiro Madaxweyne soo maray Mareykanka oo ballan qaaday in Safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv loo wareejiyo Quddus oo ay xoog ku heysato Israel,Trump,ayaana ololaha ku galay arrinkan.

Falastiiniinta tan iyo xilligaas waxaa ay wadaan banaanbax jimco kasta ay dhigaan,waxaana ku dhintay boqolaal falastiiniyiin ah

.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment