Muqdisho | QOL | February 5, 2018 — Ugu yaraan 20 qof oo muhaajiriin afrikaan ah ayaa ku dhintay Xeebaha Dalka Spain, kuwaas oo raadinayay nool dhaanta tan Afrika oo ay ka tagayn.
Warbaahinta Caalamka ayaa baahisay in la helay Meydadkooda 20 qof oo Afrikan ah waxaana laga helay badda xeebaha Melilla oo ah dhul yar oo ku yaalla Spain balse ku dhaw dalka dariska la ah Moroko.
Kooxda Gurmadka deg deg ah dalka Moroko ayaa soo saaray meydadka kaddib markii dooni ay saarnaayeen Muhaajiriin ay ku degtay badda, Ciidamada Booliska dalkaasi ayaa xaqiijiyay in dadka dhintay badankooda ay kasoo jeeddaan Qaaradda Afrika.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________