Cadaado | QOL | 16 January, 2018 –Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta waxaa uu kulamo la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada xili madaxweynaha xalay maqribkii uu soo gaaray Magaalada Cadaado ee xunta ku meel gaar ah maamulka Galmudug.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo oo si weyn loogu soo dhaweeyay cadaado ayaa maanta la kulmi doono Siyaasiyiinta, waxgaradka,iyo qeybaha kala duwan ee bulshada wuxuuna kala hadli doonaa xaalada guud ee ka jirta deegaanada uu ka arimiyo maamulka Galmudug, sidoo kale madaxweynaha ayaa xalay kulan hor dhac ah la qaatay waxgaradka magaalada Cadaao.
Madaxweynaha ayaa maalmahaan danbe wuxuu ku guda jiray socdaalka nabada uu ku maraayo qeybo ka mid ah Gobolada Dalka kaas uu ugu kuur galaayo xaalada guud ee dalka ka jirta.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Cadaado
________________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________