Muqdisho | QOL | December 21, 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo Xalay ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayay Aas-aaska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inn Xukumaddu ay soo gaba gabeysay Tirakoob lagu sameeyay Ciidamada Booliska Soomaaliya,waxaana uu xusay in Ujeedku uu ahaa in la ogaado Tirada Ciidamada Booliska,kuwa Shaqeeya iyo kuwa Howlgabka ah intaba.
Xasan Cali Kheyrre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u Mahad Celiyay Saraakiisha Ciidamada Booliska oo Baaritaanka gacan weyn ka geystay,wuxuuna Xusay in ay hadda wadaan Dib u dhiska Ciidamada Qalbka sida si ammaanka Dalka ay ugala Wareegaan Ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Gacan ka geysan doono wax u qabashada aagoontii Aabeyaashood ay ku dhinteen Qaraxii 14-kii Bishaan ka dhacay Xarunta Tababarada Ciidamada Booliska Ee Gen Kaahiye.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________