Muqdisho | QOL | 15 October 2017 –Dadkii ku dhaawacmay qarax ii shalay ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxaa lagu daweynayaa Isbitaalada waaweyn ee ku yaalla Muqdisho halka qaarkood ay dhiig la’aan u geeriyoodeen.
Gurmadyo kala duwan ayaa dadkaasi loo fidinayaa iyada oo dadka intooda badan ay dhiigooda ugu deeqeen dadkii ku dhaawacmay qaraxaas
Madax iyo Shacab intaba looma kala harin u gurmadahsada dadkaas, waxaana Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu gaaray Isbitaalka Urdugaan Ex Digfeer ee Magaalada Muqdishgo isaga oo dhiigiisa ugu deeqay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxaas.
Sidoo kale waxaa horay dhiigooda ku deqay Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed iyo Masuuliyiin kale.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________