Muqdisho | QOL | 11ka Ogosto, 2017 – Afhayeenka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay fashiliyeen Qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu sheegay in Qaraxaasi la doonaayay in lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho kunool.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay Gaarigan Qarxay in ay markii horeba ka war hayeen, uuna halkaasi soo dhigay ninkii waday, kana cararay markii ay ogaadeen Ciidanka ammaanka, kadibna lahakiyay dhaqdhaqaaqa wadadaasi, sidaasina uu ku Qarxay.
Hay’addaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhiyay hawlgalada suggida ammaanka caasimadda, si looga hortago weerarada iyo Qaraxyada Al-shabaab ay ka geystaan magaalada Muqdisho.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________