Muqdisho | QOL | 25 Luulyo 2017 – Shirkani oo u dhexeeya wasaaradaha qorsheynta Dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho kaasi oo looga hadlayo arrimaha dabagalka qorshaha qaranka.
,Waxaa si rasmi ah u furay shirkaasi wasiirka qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Jamaal Max’ed Xasan oo sheegey in muhiim uu u yahay shirkaasi Arrimaha qorshah Qaranka iyo sidii dabagal loogu sameyn lahaa.
Shirkan waxaa lagu soo bandhigayaa xeer ka hadlaya habka qiimeynta iyo dabagalka qorshaha Qaranka ee loo sameeyay dalka kaasi oo ay hormuud ka tahay wasaaradda qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Waa muhiim in aan qiimeyn iyo dabaglo ku sameyno qorshaha Qaranka, waxaa lagu saleynayaa mashaariicda horrumarineed ee dalka laga fulinayo mid ay la socoto Dowladda Soomaaliya” sidaasina waxaa yiri wasiirka qorsheynta Dowladda Soomaaliya.
W/Q:-Bashiir Barre Ali
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | muqdisho
___________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________