Muqdisho | QOL | June 04, 2017—–Madaxweynaha Dowladda federaalka soomaaliya Maxamed Cabdulalahi(Farmaajo) ayaa Maanta Khudbad dheer ka jeediyay banaabax lagu taageerayay 100,kii Maalmood ee Maamulayay in waxyaabihii u qabsoomay.
Madaxweyne Farmaajo,oo khubadiisa dhinacyo badan taabaneysay ayaa sheegay in Shacabka Muqdisho ay yihiin kuwo Nabada jecel islaamrkaana ay u hiiliyeen dowladdiisa oo rajo weyn ka qabta in dalkaan in sinaabd ah loogu wada noolaado.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay ka Go’aan tahay in dalkaan uu gaarsiiyo meel wanasgan islamrkaana la doonayo in Shacabku ay siwansagn u taageeraan dowladdooda si balaanqaadkii aan sameynay uu u hirgalo.
Sidoo kale waxaa khudbadiisa ku jirtay in balantii uu horay shacabka uga qaaday in intiisa badan ay fuleen,islamarkaana uu keenay Ra’iisul Wasaaraha ka wansagn isna uu keenay Wasiiro wanaagsan kuwaas oo loo arko in ay waajibaadkooda gutaan.
Maxamed Cabdulalahi( Farmaajo) sidoo kale soo hadal qaaday Askarta Ciidamada ee mararka qaar waxyeela u geesta Shacabka,waxa uuna sheegay in askarigii dhibaateeya Shacabka a toogan doono waliba sisharci ah.
halkan ka dhagayso
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________