baydhabo | QOL | May 23, 2017 –—Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta Baay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay gaareen Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo ay hogaaminayso wasiirka gargaarka iyo maaraynt Musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed.
Wafdigaan waxaa ka mid ahaa Mas’uuliyiin ka socda Hay’adaha Gargaarka.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Sababta ay u tageen magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay sidii Gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay Abaaruhu Saameeyeen..
Xafiiska Wararka Qaranimo Online |Baydhabo
______________________________
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________