Muqdisho | QOL | May 08, 2017 —Shacabka kunool degaanka Gelinsoor ee gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa ka cabanaya dhibaato ay ku hayaan ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.
Gudoomiyaha degaanka Gelinsoor ee gobolka Galgaduud oo la hadlay QARANIMO.COM ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Liyuu Boolis ay gudaha u soo galeen degaanka, islamarkaana ay xabado ku rideen Shacabka.
Cali Saciid Axmed Cabdulle ayaa tilmaamay in Ciidamada Itoobiya ay soo daba raaceen dadkii ay kasoo barakiciyeen degaanka kaxaan dhaale ee gobolka Galgaduud.
Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayuu ugu baaqay in ay wax ka qabtaan dhibaatada ay ku hayaan ciidamada Itoobiya dadka Shacabka ah.
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________