Muqdisho, November 10, 2016: Waxaa Magaalada Cadaado ka soconaya qabanqaabada doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya u Matali doona maamulkaasi Afarta Sano ee soo socota.
Xildhibaannada maamulka Galmudug ayaa intoodii badnayd waxa ay haatan ku sugan yihiin halka ay doorashadu ka dhacayso, iyaga oo isu diyaarinaya Cod bixinta mudanayaasha u sharraxan Kuraasta Aqalka hoose ee Soomaaliya.
Dad badan badan ayaa u taagan Kuraasta Aqalka hoose ee Galmudug, waxaana ka dhex muuqanaya Haween doonaya inay ka helaan saamiga kaga soo hagaagay qoondada guud ee Dumarka oo ah 30%.
——————————
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________