Muqdisho, September 4, 2016: Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay haweenka xubnaha ka aha Baarlamaanka Federaalka iyo haween ka tirsan ururrada bulshada oo wada jira.
Shirkaan oo looga hadlayey qoondada 30% ee haweenka ku leeyihiin goleyaasha qaranka, ayaa Madaxweynaha waxaa uu haweenka u sheegay in shirkii Madasha Hoggaamiyeyaasha ee bishii August lagu go’aansadey in si buuxda loo fuliyo qoondada haweenka ee doorashada 2016.
Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa cadeeyay in ay si buuxda u taageersan yihiin qoondada haweenka ee goleyaasha qaranka, iyagoo kula dardaarmey inay u midoobaan gaarista hadafkooda siyaasadeed, isla markaana ay door weyn ku yeeshaan talada iyo dib u dhiska dalkooda.
———————————
Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________