Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa soo dhoweysay habsami u socodka doorashooyinka madaxtinimo iyo kuwa xisbiyada ee ka dhacay deegaanada Somaliland.
Wasaaradda ayaa ugu hambalyeysay shacabka iyo maamulka Somaliland hannaanka dimuqraadiyadda ee lagu tartamay kuraasta kala duwan, iyada oo si gaar ah u bogaadisay jawiga nabdoon iyo xasiloonida ay doorashadu kusoo dhammaatay.
Waxay ku ammaantay doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen hannaanka doorashada xisbiyada, hay’adaha amniga iyo musharaxiinta tartamay.
Waxa kale oo lagu bogaadiyay Komishanka Doorashooyinka hannaanka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, ololaha doorashada, codbixinta, iyo farriimaha kalsooni-gelinta ee ay bulshada la wadaageen, kuwaas oo muujinaya biseyl siyaasadeed, isu dulqaadasho, iyo waayo-aragnimo sare.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqday sida ay uga go’an tahay in dalka oo dhan lagu baahiyo dimuqraadiyadda, awoodda shacabka la xoojiyo, isla xisaabtanka la kobciyo, iyo in la qabto doorasho ku saleysan nidaamka “Qof iyo Cod” taasoo horseed u noqon doonta horumar iyo barwaaqo guud.
Wasaaradda ayaa ugu dambeyn rajo ka muujisay in hab-dhaqanka wanaagsan ee doorashooyinka Somaliland uu tusaale u noqdo dhamaan geeddi-socodka doorashooyinka ee dalka.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________