117 Views

Gen. Gaafoow oo loo magacaabay lataliya madaxweynaha ee dhanka Ciidanka Qalabka Sida

Gen. Gaafoow oo loo magacaabay lataliya madaxweynaha ee dhanka Ciidanka Qalabka Sida
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Sarreeye Gaas Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud in uu noqdo Lataliyaha arrimaha Ciidamada Qalabka Sida ee Madaxweynaha.

Sarreeye Gaas Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud ayaa khibrad durugsan u leh sugidda amniga gudaha iyo difaaca Qaranka, isagoo horey u soo noqday Taliyaha hay’adaha Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Socdaalka iyo Jinsiyadaha. Sidoo kale mas’uuliyado kale ayuu dalka ugu soo shaqeeyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Lataliyaha Arrimaha Ciidamada Qalabka Sida in uu doorkiisa ka qaato qorsheyaasha Qaran ee dib u dhiska Ciidamada, si loo dhammaystiro guulaha xoreynta iyo dagaalka ka dhanka ah Shabaab, isagoo u rajeeyey in Eebbe uu ku guuleeyo shaqada culus ee loo magacaabay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post