111 Views

Maxaa markasta loo arkaa farriimaha dhiig baafinta ee Muqdisho xilliyada qaraxyada dhacaan, BBC-da oo la hadashay Isbitaallada qaar

Maxaa markasta loo arkaa farriimaha dhiig baafinta ee Muqdisho xilliyada qaraxyada dhacaan, BBC-da oo la hadashay Isbitaallada qaar
____________________________________________________________________________

“Fadlan waxaa loo baahan yahay dhiig noocaas ah ee deg deg u gaara isbitaalka”

Waa fariin markasta qoraaalkeeda lagu arko baraha bulshada ee Soomaalida gaar ahaan baraha xiriirka bulshada ee, isbitaallada Muqdisho kuwaas oo dalbanaya in dhiig deg deg ah loo baahan yahay xilliyada ay qaraxyada ka dhacaan magaalada Muqdisho.

Weeraradii qaraxyda ee xalay ka dhacay Muqdisho ayaa dhaliyey khasaare dhaawacyo xoog leh sida ay sheegeen Isbitaallada Muqdisho qaarkood.

Ilaa labo isbitaal oo ku yaalla Muqdisho oo si gaara loo leeyahay ayaa BBC-da la hadlay kuwaas oo dhammaantood muujiyey baahida loo qabo in la helo qorshe Qaran oo dhiig si wax looga qabto arrintaas.

“Waa qaddiyad runtii ah qeyb ka mid ah amniga dalka in la helo dhiig kayd ah, waqtigaan u baahana aan doonnan karno” ayuu BBC-da u sheegay Dr Cabdillaahi Daahir oo maamula mid ka mida Isbitaalla gaarka loo leeyahay Muqdisho.

Baahiyaha dhiiga ee Isbitaallada Muqdisho

Masuuliyiinta Isbitaallada Muqdisho ee BBC-da la hadlay ayaa baahiyada dhiiga loo qabo xilliyada ay qaraxyadu dhacaan ku tilmaamay baahi aan la qiyaasi karin.

Dr. Cabdifitaax Xasan Dhaqane, waa agaasime xigeenka isbitaalka Somali Sudanese ee Muqdisho oo ah Isbitaal si gaara loo leeyahay, wuxuu xusay in baahi badan oo dhanka dhiiga ah ay la kulmaan xilliya dad badani ku dhaawacmaan qaraxyada Muqdisho.

“Kaydka dhiiga ee annaga noo gaarka ah, tusaale ahaan awooda uu leeyahay nooc hebel oo dhiiga ka mid ah waxaa laga yaabaa inaan ka heli karno shan ilaa lix bac tusaale dhiiga nooca -A-ka ka heli karno haddii culaysyo kugu yimaadaan adigana mid dheeraada adan haysan waxaa u baahan tahay inaad dhiigaa raadisid oo dhahdo ha lay soo gaarsiiyo” ayuu yiri Dr. Cabdifitaax Dhaqane.

Wuxuu intaa ku daray in xarumaha deg dega uga jawaabo baahiyaha gurmadka marka ay xaalladahan oo kale dhacaan loo baahan yahay in loo diyaariyo qorshe rasmi ah.

“Isbitaalkayaga xalay waxaan dhiig ka shubnay ilaa 50 qof, markaas haddii wax qorshaysan jiri lahaayeen halkaas ayaan ka dalban lahaa oo oran lahaa dhiigaas ayaan u baahanahay, maba dhahneen dhiig hebel ha la raadiyo ama faceboog dhig waa ka maarmi lahayn” ayuu yiri Dr. Dhaqane.

Si la mid ah Dr. Cabdillaahi Daahir Xaaji, oo isna agaasime ka ah Isbitaalka Kalkaal ee Muqdisho oo si gaara loo leeyahay ayaa muujiyey sida ay lagama maarmaanka u tahay in la helo qorshe qaran oo kayd dhiig ah.

Dr. Cabdilaahi, wuxuu BBC-da u sheegay inay inta awooddooda ah ay dadaalan balse aysan is lahayn awoodda lagu kaafinkaro baahida jirta xilliyada masiibada.

“Isbitaalkayaga waxaa soo gaaray xalay ilaa 72 ruux oo dhaawac ah, waxaan leenahay kayd dhiig laakiin maaha mid dabooli kara baahida xilliyada musiibadu dhacdo oo kale”ayuu yiri Dr. Cabdilaahi.

Dhammaan Isbitaallada aan la hadalnay waxay sheegeen inaysan midkoodna diiwaan galin qof dhaawac ah oo la geeyey xarumahooda oo dhiig la’aan u dhintay basle waxay ka siman yihiin culayska ay la kulmaan xilliyadan oo kale.

“Isbitaalladu waxay leeyihiin inay is waydiistaan dhiiga xilliyadan oo kale waana leenahay xiriir noocaas ah” ayuu yiri Dr. Cabdilaahi Xasan.

Halka xal ee ay isku raacsan yihiin maamulayaasha Isbitaallada BBC-da la hadlay ayaa muujiyey in la helo kayd dhiig oo dalka ah si loo yareeyo halista ka dhalan karta dhiig la’aanta dhacda marka ay masiibooyinku dhacaan.

Sida uu xusay Dr. Dhaqane, waxaa jira dhiigag si dabiici ahba u yar in la helo haba ugu badnaadeena kuwa mayniska ah.

“laba shayba waa adeegsanaa, annaga qofka waxaan naftiisa ku badbaadin karno waa haysanaa , tan labaadna waxaan adeegsanaa shaqaalaha Isbitaalka oo noocyada dhiigooda noo diiwaan gashan yihiin, ama isbitaallada kale ee aan xiriirka la leenahay oo aan ka qaadano” ayuu yiri Dr, Dhaqane

Maxay tahay Muhiimada Kayd Dhiig?

Su’aali kama taagna muhiimada uu aadanaha u leeyahay helida dhiig xilliga ay u baahan yihiin taas oo ku xiran noloshooda.

Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanaya colaaddo muddo dheer, wali si rasmi ah uma yeellan bangiga kaydka dhiiga kaas oo ka mid aha wixii ku burburay dagaaladii dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa horrey u sheegtay inay dib u howlgalinayso kaydka dhiiga ee dalka kaas oo xilligan muhiimad gaara u leh dalka sida ay BBC-da u sheegeen qaar ka mida madaxda Isbitaallada gaarka loo leeyahay ee Muqdisho.

Sida daraasadaha caafimaadku muujinayaan kaydka dhiiga ayaa ah mid leh ahmiyad sare.

Baahida ugu weyn ee loo qabo kaydinta dhiig ayaa la isku raacsan yahay inay tahay in lagu badbaadiyo naf kale oo u baahan xiligaas in dhiig lagu shubo.

Sanadihii la soo dhaafay, bangiyada dhiiga ayaa gacan ka geystay badbaadinta nafo aan la tirin karin. Maanta, qiyaastii 13.6 milyan unug oo dhiig ah ayaa lagu deeqaa sannadkii. Qiyaastii 36,000 unug oo dhiig ah ayaa loo baahan yahay maalin kasta, sida ay muujiyeen daraasadaha caafimaadka.

Boqolkiiba 79% dadka ugu badan ee ku deeqa dhiiga waa dadka ku nool dalalka dhaqaalahoodu sarreeyo ee caalamka sida ay sheegtay WHO.

Xigasho: BBC Somali

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post