171 Views

Maxay tahay xarunta Islaamiga ah ee Booliska Jarmalku weerareen maxaase loo haystaa?

Maxay tahay xarunta Islaamiga ah ee Booliska Jarmalku weerareen maxaase loo haystaa?
____________________________________________________________________________

Dowladda Jarmalka ayaa mamnuucday dhaqdhaqaaqa Xarunta Islaamiga ah ee Hamburg, oo ay taageerto Iran, iyada oo lagu eedeeyay taageeridda ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan. Tobaneeyo askari oo bilays ah ayaa saaka weeraray masjidkan iyo xarunta dhaqanka.

Hadda Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dhaqdhaqaaqa “Xarunta Islaamka ee Hamburg iyo ururada xiriirka la leh ay mamnuuc ka yihiin Jarmalka oo dhan.”

Dowladda Jarmalka ayaa Xarunta Islaamiga ee Hamburg u aqoonsatay urur Islaami ah oo “xagjir ah” oo hadafkiisu ka soo horjeedo dastuurka dalka.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, Jarmalku waxa uu bilaabay baaritaan garsoor oo ku saabsan xaruntan diinta iyo dhaqanka.

Bishii Nufeembar ee sanadkii 2023, boqollaal ka tirsan booliiska Jarmalka ayaa weeraray tobannaan meelood oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin ururka Xisbullah ee Lubnaan.

Ilaa 2020, Jarmalku waxa uu sidoo kale mamnuucay dhaqdhaqaaqyada kooxda Xisbullah ee Lubnaan.

Waqtigaas, Xarunta Islaamka ee Hamburg waxay sidoo kale ka mid ahayd machadyada iyo goobaha la kormeeray, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jarmalku waxay ku dhawaaqday in aan loo dulqaadan doonin “nacaybka bulshada Yuhuudda ah”.

2002-dii, Jarmalku waxa uu sidoo kale eryay Suleiman Mousavifar, ku xigeenkii Xarunta Islaamka ee Hamburg, isaga oo lagu eedeeyay nacayb uu u qabo bulshooyinka qaar.

Maxaan ka ognahay “Xarunta Islaamiga ah ee Hamburg”?

Qorshaha Xaruntan Islaamiga ah ee Hamburg ayaa waxaa la bilaabay dabayaaqadii 1950-meeyadii iyadoo ujeedadeedu ahayd baahinta arrimaha diinta Islaamka si gaar ah mad-habta Shiicada, waxaana dhismaha xaruuntan kaalin weyn ku lahaa kaalmo dhaqaale oo ay ka qayb qaateen ganacsato badan, oo Iiraaniyiin ah oo ku noolaa dalka Jarmalka iyo taageero ay ka heleen maamulkii Shiicada ee xilligaasi jiray dalka Iran.

Kacaankii Iran ka dib, xaruntan waxay caan ku noqotay mid ka mid ah meelaha xiriirka la leh dowladda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Madaxda xaruntan ayaa mar walba laga soo diri jiray dalka Iran oo loo diri jiray dalka Jarmalka. Maxammad Beheshti, oo ka mid ahaa siyaasiyiintii caanka ahaa ee kacaanka kadib, iyo Maxamed Khatami, madaxweynihii hore ee Iran, ayaa ka mid ahaa madaxdii caanka ahayd ee xaruntan.

Sanadihii la soo dhaafay, qaar ka mid ah mucaaradka Iran iyo xitaa dawladda Jarmalka iyo hay’adaha federaalka ayaa ku dhawaaqay waxqabadkeeda iyada oo laga shakisan yahay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo aan loo baahnayn.

Sida laga soo xigtay hay’adaha ammaanka ee Jarmalka, goobtan “si toos ah ayey u fulisaa awaamiirta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran”.

Si kastaba ha ahaatee, xaruntan ayaa diiday eedeymaha loo jeediyay waxayna ku adkeysatay inay tahay hay’ad samafal oo dhaqan isla markaana madax banaan.

Waxaa la sheegay in xaruuntaan lagu qabtay xuska Qaasim Suleymani, Taliyihii hore ee Ciidanka Quds ee Ilaalada Kacaanka Iran oo la dilay sanadkii 2020-ka.

Magaca Qaasim Suleymani ayaa ku jiray liiska dadka la cunaqabateeyey ee Midowga Yurub, waxaana qabanqaabadii ayaa waxaa hareeyay dibadbaxyo ay dhigayeen dadka iraniyiinta ah kuwaas oo ka dhacay gudaha Jarmalka.

Ugu dambeyn, Mudaaharaadyadan ayaa sababay in Xarunta Islaamka ee Hamburg laga saaro Golaha Fulinta ee Golaha Shucuubta Islaamka ee Hamburg.

Waqtigaas, warbaahinta Jarmalku waxay daabacday warbixinno ay ka soo xiganayso xarumaha ammaanka ee dalkaas, waxayna wax ka qortay xarunta Islaamka ee Hamburg in dawladda Iran ay u adeegsato xaruntan “si ay u horumariso siyaasadda dibadda ee kacaanka Islaamiga ah”.

________________________________________________________________

Xigasho: BBC Somali

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post