Muqdosho — Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macallim Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta safar shaqo ugu baxay dalka Qatar.
Wasiir Xasan Macallim Maxamuud ayaa inta uu joogo Dooxa, waxaa uu dhiggiisa Qatar la qaadayaa kulamo looga hadlayo horumarinta Iskaashiga Caddaaladda iyo arrimaha la xariira ee labada dal, sida xabsiyada iyo dhaqan-celinta, danbi-baarista iyo sarraynta sharciga
Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ayaa sidoo kale booqanaya sida qorshuhu yahay heyโado iyo xarumo kale oo ka shaqeeya arrimaha sharciga, qaanuunka iyo cilmi-baarista.
Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa intii uu xafiiska joogay waxaa uu safarro kale oo lagu xoojinayay tayada Caddaaladda ee dalka iyo xiriirrada aan dunnida kale la leenahay ku tegay wadamo ay kamid yihiin Turkiga, Masar, Ciraaq, Marooko, iyo Talyaaniga.
_____________________________________________________________________________________Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________